Somaliland: “Runta Ayaan Idiin Sheegayaaye Anigu Waxaan Isku Soo Sharraxay Mar Saddexaad Inaan Dalka Ka Badbaadiyo Cabdiraxman Cirro Iyo Muuse Biixi Midna Awood Uu Dal Ku Maamulo Ma Leh”….Faysal Cali Waraabe

215

“Hadaad Maqashid Ucid Iyo Faysal Cali Waraabe,Waa Laga Tagay,Waxaa La Igaga Tagaa Hunguri Anigu Miskiin
Ayaa Ahay Oo Waxaan Ku Wadaa Daawaha, Ninkii Dhawaan UCID Iskacasilay Gaadhi Cusub Iyo Fure Ayaa Hoo La Yidhi”.. “Xadka Jabuuti Illaa Maalintii Baarka Magaladda Jabuuti La Qarxiyay Wuu Inaga Xidhan Yahay, Dawladdeena…” ..Faysal Cali Waraabe

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa si adag u weeraray Musharaxiinta Labada Xisbi Siyaasi ee Kulmiye Iyo WADDANI, Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi iyo Gudoomiye Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi “Cirro”,Waxaana uu markii u horaysay sheegay in Ujeedada uu mar Saddexaad tartanka Doorashada iskugu soo taagay ay tahay inuu dalka ka badbaadiyo Nimankaasi oo uu sheegay inaanay lahayn awood ay dalka ku maamulaan,waxa kale oo uu ka hadlay Xuduuda dalka jabuuti oo uu sheegay inay xidhan tahay tan iyo Maalintii La qarxiyay baarkii jabuuti kuyaalay,waxaanu eedo kala duwan u soo jeediyay Xukuumadda,Waxa uu sidoo kale ka hadlay Arimaha Caafimaadka dalka oo uu sheegay inuu meel xun marayo.
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi“Dadka u nool maanta Maxaad cuntaa oo aad ku qayishaa bari ayaa horta somcadeednii baabiiyay,Hadaad maqashid Ucid waa laga tagay Faysal Cali Waraabe,Aniga Akhlaaqad Xumo Iyo Soo Dhawayn la’aan la iigama tago,Waxaa la igaga tagaa Hunguri,Anigu Miskiin ayaa ahay oo Waxaan ku wada Daawaha, Anigu Mabda’ ayaan leeyahay,Anigu mabda’ ayaan leeyahay,imika inankaasi iscasilay,Kaasi kiisa Marka la iga kaxaynayo,Waxa la yidhaa Laakuruusar iyo Furihiisa hoo,Waa waxyaalaha aan doonayno inaan baabiino”.
Waxa kale oo uu yidhi“Soddonka Dollar ee laga qaadayo Dadkeena masaakiinta ah ee LAWYO-Caddo ee Kulaylka ka soo qaxayana Waan laalaynaa Insha Allaahu tacaalaa,Xadka Jabuuti Illaa maalintii Baarka Magaladda Jabuuti la qarxiyay wuu inaga xidhan yahay,Dawladeena uma Xisaabsana,Anigu waxaan isku sharaxay Mar Sadexaad Runtaa idiin sheegayaaye,Cabdiraxmaan Cirro iyo Muuse Biixi inaan Dalka ka badbaadiyo,Midna Awood uu dal ku wado malaha”.
Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada Caafimaadka dalka oo meel halis ah maraya waxaana uu yidhi “Waxa inagaga daran Dhakhtaradeena,Mid waliba Farmasii gaar ah ayuu leeyahay,markuu ku baadho,kiish daawo ah oo dhacday ayuu kuu qorayaa oo uu kaa iibinayaa,Way badan yihiin inta qof la geeyay Dalka Itoobiya ama Wadamada kale ee Dibada ee laga daadiyay Dawadii ay Dhakhaatiirteenu u qoreen,Qaar ayaa jira Dhakhaatiirteen Markii ay Sideedtamaadkii galeen Jaamacada Xamar ay Waxbarasho ugu dambaysay, oo waxbaba garanayn,Cilmigii wuu koray,Shaqo ayaynu ka qabanaynaa,Waxaan doonaynaa inaan Biyahaa maalin walba baxaya inaan qabano,Waad aragteen Ninkaasi Madaxweynaha Kililka shanaad,Biyo xidheenada uu qabtay waad aragteen, cagafyo ayuu galiyay,Yacni waxaynu qaban karno ayaan loo dhaqaaqin”. Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Guddoomiyaha UCID khudbad dheer uu jeediyey.

Comments

comments