Somaliland: Ma Dhabaa Inay Madaxtooyada Somaliland Oo Hor Istaagtay Inuu Dr Bulxan Safar Ku Tago Magaalada Muqdisho

362

Madaxtooyada Somaliland ayaa la sheegay in ay hor istaagtay safar uu Dr Xuseen Cabdilaahi Bulxan ku tagi lahaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somaliya,kaas oo u qorshaysnaa inuuu shalay baxo maanta oo Sabti ahna uu khudbad ku saabsan qaddiyada iyo madaxbanaanida Somaliland u jeedin lahaa aqoonyahanka iyo ardayda jaamacadaha Somaliya.

Dr Bulxan ayaa la sheegay inuu warqad codsi ah oo ku saabsan ogolaanshaha iyo ka war haynta tagitaankiisa Muqdisho u gudbiyey Madaxwayne Siilaanyo,balse madaxtooyada ayaa shir la gashay Dr Bulxan oo ah aqoonyahanka ay leedahay Somaliland.

Waxaana madaxtooyadu ay Dr Bulxan u sheegtay inaanay xukuumaddu ogalayn inuu tago magaalada Muqdisho,waxaana sidaas ku baaqday safarkii Dr Bulxan ee magaalada Muqdisho oo shalay u qorshaysnaa inuu Baxo maantana ay ujeedadiisu ahayd inuu jaamacadaha iyo aqoonyahanka reer Muqdisho u jeediyo muxaadirooyin ku saabsan qaddiyada Somaliland.

Comments

comments