Wiilka Ugu Weyn Qoyska Gerard Pique Oo La Ogaaday Inuu Si Waali Ah U Taageero Xidig Real Madrid Ah, Waa Kee?

115

Waa sheeko xiiso leh in qoyska Gerard Pique laga helo qof jaceyl u qaba kooxda Real Madrid sidoo kalana la maleynayo ineyba maaliyadda kooxdaas taalo gurigiisa iyadoo la ogyahay sida uusan u jecleyn kooxda ka dhisan caasimadda.

Wiilka kasoo baxay kuleejada ugu fiican qaaradda yurub La Masia, kana soo ciyaaray horyaalka Premier League ayaa la ogaaday in wiilkiisa uu si ba’an u taageero Real Madrid.

Milan Piqué Mebarak waa 4-jir dhashay 22-kii January 2013, balse waxaa lasoo warinayaa inuusan jecleyn kooxda uu aabahiis naftiisa u huray ee Barcelona isagoo waliba inta badan u raaca tababarka.

Marka laga tago inuu Madrid taageero, wuxuu si ba’an taageero ugu yahay kubad sameeyaha reer Colombia James Rodriguez, waxaana lagu waramayaa iney guriga u taalo maaliyadda numberka 10-aad ee James.

Daniela Ospina oo ah walaasha goolhayaha Arsenal David Ospina una dhaxda James Rodriguez ayaa u sheegtay wargeyska reer Colombia Don Juan iney booqatay guriga Shakira.

“Mar aan tagay Barcelona, waxaan la kulmay Shakira iyo caruurteeda”

“Salome [gabadha James] aad bey ugu faraxsaneed iney la kulanto Shakira sababtoo ah aad bey u taageertaa, sidoo kalana anigu aad baan u taageeraa”

“Shakira ayaa markiiba ku tiri wiilkeeda Milan: “eeg, waa gabadha James!, wiilka yar ayaana ku jawaabay: “Waxaan heystaa maaliyadda James ee numberka 10-aad”

Si kastaba wareysiga kuma aysan xaqiijin in Maaliyadda James ay taalo guriga Shakira, balse sida laga garan karo jawaabta wiilka yar maaliyadda James ayaa taala guriga Pique.

Comments

comments