Somaliland: Komishanka Oo Soo Gebogabeeyay Wejiga Koowaad Ee Qaybinta Kaadhadhka Cod-bixinta Ee Miyiga Gobollada Ay Ka Socoto.

152

Waxa Shalay kas oo Gabogabeeyay Wejiga koowaad ee Hawsha qaybinta Kaadhadhka Cod-bixiyeyaasha ee Shaqaalaha Komiishanka Doorashooyinka ka wadeen Deegaannada Miyiga ah ee Gobollada AWDAL, SAAXIL iyo Xeebaha Gobolka Sanaag.

Goobaha Kaadh-qaybinta ee deegaannada Miyiga ah ee Gobollada Saaxil, Awdal iyo Xeebaha Sanaag, ayaa la soo xidhay Lixdii Makhribnimo ee Shalay, waxaana Hawl-wadeennadii Komiishanka ee Hawshaa waday si nabadgalyo ah ugu soo hoydeen Magaalo Madaxyada Gobollada Kaadh-qaybintu ka socoto, sidaana waxa sheegay Guddiga Komiishanka Qaranka Somaliland.

Qoraal kooban oo Komiishanku ku faahfaahiyey dhammaadka Wejiga koowaad ee Kaadh-qaybinta, ayaa u qornaa sidan, “Maanta oo bishu ahaeyd 03/5/2017 saacadu markay aheyd 18:00 (Shalay), ayaa kooxaha kaadh-qaybinta ee ka hawl-galaayay deegaanada miyiga ee Gobollada Awdal, Saaxil iyo xeebaha Gobolka Sanaag ayaa caawa ku soo xerooday xarumaha KDQ ee Gobolka Awdal, Saaxil iyo Sanaag (Xalay). Kooxahaas oo si nabad qab ah badankoodu ku soo gaadhay xarumihii KDQ ee saddexda Gobol iyada oo qaar koodna wali ku soo jiraan safarkii ay kaga soo baxeen goobahii miyiga.

Maanta waxa soo xidhmay wejigii kowaad ee goobaha miyiga, waxaana u hadhay wejigii koowaad ee magaalooyinka mudo laba casho ah (Shalay).

KDQ waxay ugu baaqayaan in bulshadu ka faa’iideystaan fursaddaas qaaliga ah ayna dayicin wakhtiga loo qoondeeyay saddexdaas Gobol in ay ku qaataan kaadhkooda cod bixinta.”

Dhinaca kalena, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan ayaa si gaar ah ugu mahadnaqay shirkadaha ku guuleystay kireynta gaadiidka ka hawlgalaya kaadh qaybinta ka bilaabantay gobollada dalka ee kala ah ILS Logistics iyo Meecaad Group of Companies, Guddoomiyuhu oo u mahadnaqaya shirkadahaasi waxa uu yidhi “Shirkadaha Meecaad iyo ILS waxaan uga mahadnaqayaa shaqada wanaagsan ee ay qabteen, ilaa haddana 162kii goobood qalabkii iyo shaqaalihiiba way gaadheen, shaqadiina way socotaa, mar kale ayaan uga mahadnaqayaa shirkadahaasi adeega wanaagsan ee ay na siiyeen”.

Comments

comments