Haweenay 37 Jir Ah Oo Dhashay 36 Caruur Ah !

109

Ubadku waa waxay ka mid yihiin Nimcooyinka uu Ilaahay bixiyo waxaanu Ilaahay SWT Qur’aanka kariimka ah inoogu sheegay In Dadka Qaar uu ku Arsaaqo Ubad gabdho ah, qaarna uu ku Arsaaqo Ubad Wiilal ah, Qarnaa uu iskugu Daro wiilal iyo gabdho, qaarna aanay waxba Dhalin, haddaba Dalka Uganda waxa ku nool Haweenay Da’deedu tahay 37 jir oo dhashay 36 Carruur  ah, haweenaydan oo magaceeda la yidhaahdo Maryam Nabanzi ayaa waxay Lix jeer dhashay Mattaano Min Laba ah, Afar jeerna waxay dhashay Min Saddex Mattaanood, Saddex jeerna waxay dhashay Min Afar Mattaanood.

Maryam waxay dhashay 10 Gabdhood iyo 26 Wiil Ilmaheeda Curad oo wiil ahina waxa uu haatan Da’diisu tahay 23 jir Ilmaha ugu yarani waxa uu jiraa muddo Afar Bilood ah sida ay Soo bandhigay Nairobi News oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay.

Maryam waxay sheegtay in la guursaday iyada oo 12jir ah sanadkii 1993kii, halka ninka guursadayna da’diisu xilligaasi ahayd 40 jir, Maryam oo arrintaasi ka waramaysaa waxay tidhi “Maan garanayn xilligaasi la’i guursaday waxa uu guurku yahay, waxaana xilligaasi xaafadayada u yimid dad badan oo wada socda waxaanay la kulmeen Aabahay, intaasi kadibna waxa la igu daray sayigaygii oo isagu hore u lahaa xaasas kale ubad kalena lahaa aadna u caawin jiray haweenka uu qabay, waana arrin farxad leh in aan dhalay 36 Carruur ah”.

Arrintan ayaa waxay ka mid tahay arrimaha aadka ugu yar Dunida, waxaanay muujinaysaa Awoodaha Ilaahay iyo in Arsaaqda Ilaahay aanay xudduud lahayn lana Mallaysan Karin.

Comments

comments