Somaliland: Xaaladi Buuhoodle Oo Cirka Maraysa + Madaxwayne Ku Xigeenka Puntland Oo Ku Sugan Buuhoodle + Xukuumada Siilaanyo Oo Ka Gaabsatay

271

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Buuhoodle oo ka tirsan gobolka Togdheer ayaa waxa socdaal ku yimi maalinkii shalay ahaa madaxwayne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdixakiim Cabdilaahi Xaaji Cumar “Camey” iyo wafti uu hogaaminayo oo ka tirsan xukuumadda Maamul goboleedka Puntland ee Cabdiwali Cali Gaas.

Waftigan uu  hogaaminayo Madaxwayne ku xigeenka Maamulka Puntland ayaa markii ay shalay soo gaadheen Buuhoodle waxa uu shaaciyey in ujeedada socdaalkoodu tahay ka qayb qaadashada gurmadka xaaladda adag ee Buuhoodle ka taagan ee saamaysay bulshada magaalada Buuhoodle iyo deegaanada Hoos yimaada kuwaas oo uu soo ritey xanuunka Shuban Biyoodka oo ka dilaacay deegaanadaasi.

Waxaana madaxwayne ku xigeenkani sida Xoguhu Ramaasnews u sheegayaan uu xalay kulan guriga uu ka dagan yahay Buuhoodle kula yeeshay odayaasha iyo madax-dhaqameedka Buuhoodle kaas oo jilbaha la isku aastay isla markaana ku bilowmay garnaqsi iyo dood adag,waxaana madaxwayne ku xigeenku odayaashan iyo waxgaradkan Buuhoodle usoo bandhigay inay shaaciyaan inay kasoo horjeedaan wada hadalada u bilaabmay dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo maadaama uu Maamulkiisu wax badan u qabtay deegaanada waa sida uu ku beer laxawsanayee,sidoo kalena waxa uu odayaashan ka codsaday inay taageeraan maamulka Puntland ee uu madaxawayne ku xigeenka ka yahay,intaasi kadib ayaa la sheegay in odayaashii qaar kamid ah ay Cabdixakiim Camey ku wargeliyeen in dawlada Somaliland ay wax badan u qabatay ayna kow ka  tahay kaalinta ay ka gaysteen gurmadka iyo taakulaynta dadka ay iskugu darsameen abaarta iyo xanuunka SHuban Biyoodka iyaga oo tusaale usoo qaatay wasiirka caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed “Xaglo-toosiye” sida uu gurmadka uga gaystay Buuhoodle,waxaana ay odayaashani ku gacan saydheen sida la sheegay dalabkaasi uu ula Yimi Mr Camey.

Intaasi kadib ayaa kulankii isku badalay mid muran badan iyo dood adagi ay ka dhalatay,waxaana Mr Camey madaxwayne ku xigeenka maamulka Puntland uu odayaashan qaar kamid ah oo si wayn uga soo horjeestay dalabkiisa uu ugu hanjabay inuu xidhayo,waxaana kulankaasi uu noqday mid fashil kusoo dhamaaday oo lagu kala kacay.

Dhinaca kale Mr Camey madaxwayne ku xigeenka Maamulka Puntland ayaa la filayaa inuu maanta booqasho ku tago deegaano Somaliland ka tirsan gaar ahaana gobolka Togdheer oo ay kamid yihiin deegaanada Coodanle iyo Qirilugud oo hoos yimaada gobolka Togdheer isla markaana ay ka jirto xaalad adag oo abaareed dadkana ay abaarta u dheer tahay xanuunada Shuban Biyoodka iyo Jadeecada oo faro baas ku haya bulshadaasi.

Gabagabadiina waxa laga cabsi qabaa in deegaanadaasi ay ka jirto abaartu inay dirir ka bilaabmato isla markaana ay dhex marto ciidamada qaranka Somaliland ee iyagu hadh iyo habeen heeganka ugu jira sidii ay u difaacan lahaayeen dalkooda iyo xuduudahooda iyo ciidamadan ilaalinaya madaxwayne ku xigeenka Maamulka Puntland Mr Cabdixakiim Camey,balse xukuumadda Somaliland gaar ahaana wasiirka gaanshaandhiga Somaliland iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Ayaan iyaguna ilaa hadda ka hadal faro galinta qaawan ee ay maamulka Puntland ku hayaan deegaanada Somaliland.

Comments

comments