Somaliland: Siyaasiyiinta Kasoo Jeeda Buuhoodle Oo Ku Cartamay Awooda Deegaanada Buuhoodle Iyo Xaalad Car Iyo Weri Oo Ka Taagan Magaalada Buuhoodle + Cali Khaliif Oo U Hanj

393
Khatumo leader Prof Galayd says its time to give peach a chance

Siyaasiyiinta Kasoo Jeeda Buuhoodle Oo Ku Cartamay Awooda Deegaanada Buuhoodle Iyo Xaalad Car Iyo Weri Oo Ka Taagan Magaalada Buuhoodle+Cali Khaliif Oo U Hanjabay Somaliland Iyo M/Puntland
Magaalada Buuhodle Oo Ay Maalintii Shalay Soo Gaadheen Wefti Uu Hogaaminaayo Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Mr Camey,Aayaa Saaka Xaaladeedu Tahay Midaan Deganayn,Maadama Oo Ay Magaalada Buuhoodle Gudaha U Soo Galeen,Ciidamo Iyo Siyaasiyiin Ka Tirsan Maamulka Puntland,Waxaana Laga Cabsi Qaba Inay Magaalada Buuhoodle Ay Soo Galaan Ciidamada Sooma Jeestayaasha Qaranka Somaliland,Ee Fadhigoodu Yahay Jiida Hore

Taas Oo Keeni Karta Isku Dhac Iyo Dagaal Aan La Filayn,Warar Xog,ogaala Oo Ay Helayso Shebekada BurcoOnline,com Ayaa Sheegaya In Siyaasiyiinta Ka Yimi Maamulka Puntland Lagu War Geliyay Inay Saacadaha Soo Socda Iskaga Baxaan Magaalada Buhoodle,Waxaana La Sheegay In Xukuumada Somaliland Sheegtay Hadii Aanay Si Dhakhso Ah Uga Bixin Deegaanada Somaliland Ay Ku Dhaqaaqayaan Fal Aanay Mahadin Maamulka Puntland Iyo Siyaasiyiinta Uu Hor Kacaayo MR Camey
Ciidamada Qaranka Somaliland Ayaa La Sheegay Inay Ku Ruqaan Sadeen Gobolka Buuhoodle,Iyaga Oo Wata Saanad Miletary,Kuna Sii Fool Leeyihiin Deeganada Ay Ku Sugan Yihiin Siyaasiyiinta Puntland,Sidoo Kale Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Iyo Xildhibaano Ka Mida Golaha Wakiilada Somaliland,Ayaa Ku Fooleh Gobolka Buuhoodle,

Dhanka Kale Wararka Ayaa Intaasi Ku Daraaya In Kooxda Cali Khaliif Ay Xidhay Dhamaanba Wadooyinka Magaalada Buuhoodle Kasoo Gala Dhanka Xuduuda Somaliya,Iyaga Oo Sheegay Inaanay Magaalada Buuhoodle Ku Hirdamayn Siyaasiyiinta Kasoo Jeeda Deegaanka,Ee Ka Kala Socda Somaliland Iyo Maamulka Putland,Isla Markaana Aan Loo Gacan Dhaafayn Gobolka Buuhoodle

Ma Jiraan Wax Faah Faahina Oo Kasoo Baxday Siyaasiyiinta Maamulka Puntland,Balse Waxaa Xusid Mudan In Xukuumada Somaliland Shaaca Ka Qaaday Inaanay Jirin Wax Hagar Daamo Ah Oo Ka Dhacaaya Gobolka Buuhoodle Iyada Oo Shacabkana Ugu Baaqday Inay Si Nabada U Qabsadaan Hawlahooda Maalin Laha Ah,Isla Markaana Aanay Xaalada Buuhoodle Iska Bedelayn,Wax Ka Duwan Sidii Hore

Comments

comments