Somalia: Madaxwayne Farmaajo Oo Dejiyey Qorshe Halis Ku Ah Ammaanka Somaliland, Ciidamo Uu Buuhoodle Ka Qoranayo Iyo Gacan Ku Dhiigle Morgan Oo Door Muhiim Ah Ka Ciyaaraya

419

Ciidamadan Ayuu Doonayaa inay Somaliland Gudaheeda Ka Dagaalamaan, Si Tartiib Ahna Ugu Fidaan Deegaanada Bariga

Madaxwaynaha dawladda taagta daran ee Somalia, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa wada qorshe halis ku ah ammaanka Somaliland, kaasoo lagu wiiqayo jiritaanka iyo qaranimada Somaliland.

Farmaajo ayaa sida la sheegay waxa uu ciidamo ka qoranayaa deegaanka Buuhoodle ee gobolka Togdheer, kuwaasoo uu doonayo inay ka dhex dagaalamaan gudaha Somaliland gaar ahaana aagga Buuhoodle, isagoo qorsheeyey in ciidankaasi si tartiib ah ugu fidaan Buuhoodle iyo deegaanada ku xeeran.

Wararka ka imanaya deegaanka Buuhoodle ayaa xaqiijinaya inay habeenadii u dambeeyey diyaarado dul heehaabayeen magaalada Buuhoodle iyadoo subaxdiina ay diyaarado nooca xamuulka qaada ahi ka soo degaan garoonka diyaaradaha, waxaana ay wararku intaas ku dareen in diyaaradaha xamuulka ah ay qaarkood la socdaan xubno ka tirsan Somalia iyo saraakiil ciidan oo si caadi ah u lebbisan.

Geesta kale waxaa uu Madaxwayne Farmaajo qorshahan la kaashanayaa Jeneral Morgan oo Somaliland uga diiwaan-gashan gacan ku dhiigle, waxaana ay wararku sheegayan inuu Gacan ku dhiigle Morgan qayb laxaadleh ka qaadanayo qorshaha ciidamada lagag qoranayo Buuhoodle iyo gudaha Somaliland.

Comments

comments