Shaxda Rasmiga Ah Ee Real Madrid Vs Atletico Madrid- Zidane Oo Booskii Gareth Bale Ku Badalay Isco Iyo Gameiro Oo Hogaaminaya Safka Atletico Madrid.

201

Kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa Santiago Bernabeu ku ciyaaraya kulanka lugta hore ee afar dhamaadka Champions leaque-ga iyada oo kulankani uu ku celis u yahay finalkii Milano ee xili ciyaareedkii hore oo ay Real Madrid koobkan ka qaaday kooxda ay dariska yihiin ee Atletico Madrid. Los Blancos ayaa doonaysa in ay kulanka Bernabeu shaqada ugu wayn sii qabsato maadaama oo ay kulanka lugta labada booqan doonto Vincente Calderon oo ay Atletico Madrid marti ugu noqon doonto.

Tababare Zidane ayaa goolkiisa ku soo bilaabay Keylor Navas waxaana afarta difaaca ah ku soo wada bilawday Sergio Ramos, Raphael Varane, Marcelo iyo Dani Carvajal. Waxaa khadka dhexe ku wada jira Casemiro, Luka Modric iyo Toni Kroos halka Isco uu buuxiyay booska uu Gareth Bale ka dhaawacan yahay isaga oo caawin doona Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzema oo safka weerarka Madrid hogaaminaya.

Dhinaca Ateltico Madrid waxaa goolka ku soo bilawday Jan Oblak waxaana afarta difaaca ah ku jira Savic, Lucas, Godin iyo Luis halka Gabi, Sual iyo Koke ay khadka dhexe ku jiraan waxaana safka weerarka hogaaminaya Gameiro oo caawin ka heli doona Carrasco oo kulankan taam buuxa u noqday iyo Griezmann.

Comments

comments