Thierry Henry Oo Ku Digtay Tottenham Hotspur: “Wax Laga Maseero Ma Aysan Na Tusin”

158

Halyeyga Arsenal Thierry Henry ayaa ka dhawaajiyay inuusan ka maseyrin sida ay ku socoto Spurs inkastoo wiilasha Pochettino ay garaaceen Arsenal kulan 2-0 ku dhamaaday oo axadii ka dhacay White Hart Lane.

Spurs ayaa soo yareysay farqigii dhibcaha ee u dhaxeeyay iyaga iyo Chelsea waxeyna kasoo dhigeen afar dhibcood, balse guushaas waxey ceel ku riday rajadii Gunners ee afarta sare.

Inkastoo kooxda ay aadka u xifaaltamaan ay u muuqato iney u dhaqaaqday dhanka guulaha hadana weeraryahankii hore Gunners Henry ayaa aaminsan in Spurs ay u baahan yahiin iney koob ku guuleystaan ka hor inta aysan ka saramarin Arsenal.

“Ma jiro wax maseyr ah, sababtoo ah 20-sano kadib wali waxba ma aysan na tusin ilaa iyo hadda” Ayuu Henry u sheegay Sky Sports. “Waan ogahay wey isku dayayaan sidoo kale”

Isagoo tilmaamaya Frank Lampard oo dhinaciisa fadhiyay kaas oo ku guuleystay sadex Premier League, Afar FA Cup, 2 League Cup mudadiisa Chelsea kadib waqtigii Roman Abramovich, Henry ayaa ka dhawaajiyay in Spurs ay hooska Gunners ku hoos jiri doonto ilaa inta ay sameyso wixii ay sameyesay Chelsea.

Henry ayaa qiray in Chelsea ay ahaayeen waqti kuwa ka awood badan, balse ay wax walba daqiiqad isku badaleen madama ay Blues soo bandhigtay awoodeeda.

“Waxey ku guuleysteen horyaal, wey difaacdeen, waxey ku guleysteen FA Cup, waxbey ku guuleysteen, waxaana ku fakarnay in awoodii ay dhankooda noqotay”

“Balse Waqtigaan uma jeedo wax isbadal ah dhanka Spurs”

Comments

comments