Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Aqoonyahan C/rashiid Xasan Mataan ayaa saddexda Xisbi qaranba ku dhaliilay qorshe la’aan iyo inaanay lahayn kala duwaansho u dhaxaysa Barnaamijyadooda siyaasiga ah ee ay bulshada cod kaga doonayaan taasi oo noqonaysa in uu xataa sidaa ku dhaliilay xisbigiisa uu ka tirsan yahay oo uu maso kala dhigay xisbiyada kale ee UCID iyo KULMIYE oo uu dhammaantood ku eedeeyey in aanay is dhaamin oo aanay lahayn barnaamij siyaasadeed oo ay ku kala duwan yihiin.
Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. C/rashiid Xasan Mataan oo ka hadlayay goob ku taalla magaaladda Boorama oo uu ka qaadanayey kaadhka codaynta ayaa si weyn u dhaliilay Xisbiyada iyo Xukuumadda, waxaanu ugu baaqay baahiyaha dadka in wax laga qabto, waxaanu yidhi: “Xisbiyadda waxaan leeyahay shacabka la hor yimaadda wax hufan oo ay idinku kala doortaan, illaa iyo hadda hanaanka ay xisbiyaddu u socdaan ma hufna. Amba xisbi baan ka mid ahay musharaxiin kaliya ayaa meesha cararaya. Xisbiyo aan hufnayni ma soo saarayaan xukuumad Hufan. Shacabka halala horyimaado wixii dalkan lagu maamuli lahaa iyo dalkan sidii looga dhigi lahaa dal la wada leeyahay awoodiisa iyo cadaaladda lagu baaqayo ee lagu maamuli doono. waa in dadka loo sharraxaa Qaabka looga hortagayo musuqmaasuqa baahay, waa in loo sharraxaa sida loo midaynayo dadkan qabyaaladda lagu kala kaxeeyey, Dadku waxay kala doortaan waa inay helaan” ayuu yidhi Xoghayaha Warfaafinta WADDANI.
Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Xukuumadda maanta jirta ee wakhtigoodu gabagabada yahay waxaan leeyahay waar in badan baad soo shaqayseen oo aad iskiin u shaqaysateen dadku halkii ugu xumayd bay marayaan oo cudur iyo Abaar baa isugu biirtay, Sicir barar iyo baahi baa isugu biirtay, waar ummadda u naxoo haddaad u qaadateen awooddii shacabku idiin dhiibteen inaad idinku leedihiin markii faraha la idinka saaray oo iyagii ha ku isticmaalina’e bal u naxoo dadka Abaarta uga gurmada, una qabta doorashada la idinka sugayo” ayuu yidhi Xoghaye Mataan.
Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI waxa uu komishanka ku eedeeyeey in ay qaddar is dhex yaac ah ama nidaam xumo ah ku jirto xaaladda qaybinta kaadhadhka ee Gobolka Awdal kadib markii komishanku xarumo isku rayay oo kala horraynta xarfaha magacyada wax is ka waddaleen sida uu hadalka u dhigay waxaanu dhinaca kale shacabka Gobolka Awdal ku booriyey in ay isku duubno kaadhadhka u qaataan oo ay codkooda hab midaysan ugu doortaan xisbigii dalka isku wadaya ee ka dhigaya wax la wada leeyahay sida uu hadalka u dhigay.
Si kastaba ha ahaatee waxa aan wali la fahmin shacabkuna si waydiinayaan saluugga ka muuqda Cabdirashiid Xasan Mataan ee uu ku duray xataa xisbiga uu ka mid yahay iyo musharraxiintiisa in uu yahay khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo hogaankiisa.

Comments

comments