Somaliland: Wasiir Xukuumadda Ka Tirsan Oo Si Adag U Naqdiyey Xoghayaha Guud Ee KULMIYE Kuna Sifeeyey Nin Aan Waxba La Socon Hawlaha Socda

219

Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Gudaha ee Gobolada Iyo Degmooyinka Jaamac Cabdilaahi (Biin) ayaa si adag u naqdiyey Xoghayaha Guud ee Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Mudane Xasan Siciid Yuusuf oo uu ku tilmaamay nin aan waxba ogayn oo aan laba socon halka hawli marayso isaga oo masuuliyiinta dawladda hoose ee Hargeysa kula taliyey in ay Xasan Siciid kaxeeyaan oo mararka ay kormeer iyo hawlo u baxayaan ay kaxeeyaan oo soo tusaan halka ay hawluhu marayaan.
Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Gudaha Somaliland Jaamac Cabdilaahi Biin ayaa sheegay in Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE war badan hayn sida uu hadalka u dhigay isaga oo aan la ogayn sababta keentay in Wasiir Biin sidan u duro xoghayaha xisbiga KULMIYE Mudane Xasan Siciid Yuusuf oo hadalka uga horreeyey mar ay labadan masuul shalay ka hadlayeen xaflad xilka loogu kala wareejinayay Xoghayaha cusub ee dawladda hoose iyo xoghayihii hore ee xilka laga qaaday dhawaan oo ay shalay xafladda xilka loogu kala wareejiyey ka qabsoontay caasimadda Hargeysa.
Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Gudaha Somaliland Jaamac Cabdilaahi Biin oo daba socday hadalo uu munaasibaddaasi ka soo jeediyey Xoghayaha Guud ee KULMIYE ayaa ku qaadqaaday isaga oo ku dhaliilay in uu yahay masuul aan waxba ogayn oo loo baahan yahay in ay masuuliyiinta dawladda Hoose wax tusaan.
Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Gudaha Somaliland Jaamac Cabdilaahi Biin oo Xasan Siciid durayaa waxa uu yidhi: “Xasan waxa uu yidhi waan rafanaynaa. Waxa uu yidhi waa xisbigeenii. Xasan inaad kaxaysaan. Halkan Waxa ka hadlay Xasan Siciid. Waa xoghayihii Xisbiga KULMIYE. Waa xisbigii dawladda. War badan ma hayo. Waa in aad kormeer galisaan. Marka aad wax kormeeraysaan ama wax qabanaysaan qolada xisbigana u yeedhoo marag haka noqdeen waayo sidii nin aan waxba ogayn buu u hadlayay” ayuu yidhi Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Gudaha Somaliland Jaamac Cabdilaahi Biin.
Dhinaca kale Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Gudaha Somaliland Jaamac Cabdilaahi Biin ayaa dhaliil u soo jeediyey masuul shalay xafladdan shahaadooyin ku guddoonsiiyey xoghayaha dawladda hoose ee xilka bannaynayay kuwaasi oo uu ku canaantay in aanay munaasibadeedii ahayn shahaadooyinka madasha ay isku guddoonsiiyeen isaga oo ku canaantay in ay ahayd in ay meel kale iyo munaasibad kale isku guddoonsiiyaan sidoo kalena sheegay in aanay isaga iyo wasiirku toona waxba kala socon saxeexyana ku lahayn shahaado sharafyadaasi.

Comments

comments