Somaliland: Suldaanka guud ee subeer Awal oo faragalin iyo qarbudaad ku haya Saldanada Beel-weynta Adaraxmaan Sacad,

493

Waxan canbaaraynayaa Suldaan Ku sheega dhawaan Xilka kusimenimo ee uu hore u hayaa laga qaaday Sultan Xasan Sultan Cabdilaahi Suldaan Diiriye oo hadlo uu bartiisa Facebooga Ku faafiyay ugu gafay Mid ka mid ah Salaadiinta Beesha Curadka u ah Beelwaynta Sacad Muuse ee Adarxmaan Sacad iyo Suldaankooda Cumar Ibrahim Muxumed. Suldaan Cumar Ibraahim Muxumed akhlaaq ahaan amaano ahaan dadnimo ahaan iyo Diin ahaanba Wuu kaga wanaagsan yahay Sultankan Xil kii kusimaha Suldaanimada dhawaanta laga qaaday ee Sultan Hassan Sultan Abdilaahi ee Ku qadhaabta waxan ahayd Suldaanka Subeer Awal. Muwaadiniinta Somaliland dastuurku Waxa uu u damaano qaaday in ay koox koox iyo Bulsho ahaanba isku abaabuli karaan iyagoo ka Tashanaya horumarinta Daanshooda iyo noloshooda sidaasi darteed waxan gaf iyo xadgudub u arkaa in Beel Suldaan Caleemo saartay suldaankoodii la Xidho waana tacadi fool xun oo dastuurka lafjab Ku ah dastuurka Xukuumadu Waa in ay sida ugu dhaqsaha badan u soo daysaa Suldaan Cumar Ibrahim Muxumed

 

Comments

comments