Somalia: Madaxweyne Farmaajo iyo General Waldhuauser Oo Kulmay

110

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo  ayaa Magaaladda Muqdisho ku qaabilay Taliyaha Taliska Ciidamada Maraykanka  ee qaaradda afrika (AFRICOM), General Thomas Waldhuauser.

Kullanka oo saxaafaddu ay bannaan joog ka ahaayeen  waxaa sidoo kale ka qaybgalay Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Federaalka, Taliyaha iyo Abaanduulaha Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliya  iyo Danjiraha Maraykanka u jooga Somalia, Ambassador Stephen M. Schwartz iyo Saraakiil kale.

Kullankan ayaa looga hadlay Kaalmadda milateri ee maraykanku siinayo dowladda federaalka, Tababarada la siinayo ciidamadda Soomaaliya, Dhismaha ciidamadda Federaalka iyo la dagaalanka Kooxda Al-shabaab

Madaxweynaha maraykanka Donald Trump ayaa Soomaaliya u soo diray ciidamo maraykanka oo tababaro siin doono ciidamadda Soomaaliya,  waxaa kaloo uu u aqoonsaday koofurta iyo bartamaha Soomaaliya goob dagaal.

Comments

comments