Sandro Mazzola Oo Aaminsan In Mid Ka Mid Ah Kooxaha Talyaaniga Ay Awooddo Iney Soo Iibsato Lioenl Messi, Ma Ac Mise Inter?

80

Lionel Messi waxaa lagu qiimeeyaa ciyaariyahanka aduunka ugu qaalisan markey noqoto in kooxi damacdo iibkiisa, balse ciyaariyahankii hore kooxda Inter Milan Sandro Mazzola ayaa aaminsan in kooxda ka dhisan garoonka San Siro ay leedahay awood maaliyadeed oo ay kula soo saxiixato kabtanka Argentina.

Hadal heyn badan ayaa jirtay mudooyinkii lasoo dhaafay taasoo ah in shirkada Suning Holdings Group ay isku dayi doonto iney horyaalka talyaaniga keento ciyaariyahanka Barcelona Lionel Messi.

Madaxweynahii hore Inter Milan Massimo Moratti ayaa ka dhawaajiyay bishii January in xili ciyaareedka soo aadan kooxda la keeni doono ciyaartoy waaweyn oo dunida magac ku leh balse wuxuu diiday in Lionel Messi uu u yahay bartilmaameed.

Balse Mazzola oo ka mid ahaa ciyaartoydii Inter Milan ee wacdaraha ka dhigay yurub lixdameeyadii ayaa aaminsan in Suning ay awood u leedahay iney Messi keento Sansiro.

“Suning waxey leeyahiin awood ay ku helaan kuwa ay doonayaan oo uu xitaa ku jiro Lionel Messi” Ayuu Mazzola u sheegay Il Mattino..

Comments

comments