Ma Ozil, Di Maria Mise Robinho? Bernd Schuster: “Mid Waalan Oo Isku Maleeyay Maradona & CR7 Ayaa Ka Tagay Real Madrid”

124

Tababarahii hore Real Madrid Bernd Schuster ayaa ka yaabiyay saxaafadda iyo dadka kubadda cagta kadib markii wax ka sheegay shaqsi uusan magacaabin oo isaga tagay Real Madrid inkastoo uu aad u amaanay laba ka mid ah da’yata waqtigaan ee kooxda ku sugan.

Macalinka Jarmalka ah ayaa diiday inuu soo bandhigo qofkaas, balse aad buu u weeraray xidigaas uu ku sheegay inuu isku maleeyay Diego Maradona iyo Cristiano Ronaldo.

“Ciyaartoydaan [Isco iyo Asensio] madaxa ayey lasoo kaceen” Ayuu yiri isagoo ka hadlayay Onda Cero gaar ahaan barnaamijka “Transistor”

“Ciyaartoydaas maahan kuwo waalan”

“Kaliya waxaa jiray hal ciyaariyahan oo goor hore isaga tagay kooxda, wuxuu aaminsanaa inuu u wanaagsanaa sida Maradona iyo Cristiano Ronaldo oo la mideeyay”

Dhanka kale Schuster ayaa tilmaamay sida ay dhib u tahay in Alvaro Morata uu boos kala baxo Karim Benzema.

“Morata waa inuu rumeysto waxa uu Benzema yahay” Ayuu yiri Schuster.

“Waan fahmay marka aad kasoo laabatay Juventus, inaad ku fakartay inaad wax uun lasoo laabatay, balse wuxuu isku arkay tababarka iyo sida uu yahay”

Lama oga cidda ay arintaan quseyso! Ciyaartoydaan ayaa la is tusay inuu ula jeedo midkood:

Robinho

Jese

Di Maria

Ozil

Higuain

Comments

comments