Somaliland: Madaxwayne Siilaanyo Oo la Filayo Inuu Safar Ku Tago Dalka Jabuuti Iyo Ujeedada Socdaalkiisa Oo Xogo Laga Helay

911

Warar xog ogaal ah oo aan helayno ayaa waxay sheegayaan in Madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” la filayo inuu badhtamaha Todobaadka danbe safar ku tago dalka Jabuuti.

Si cadd looma garanayo ujeedada rasmiga ah ee safarka madaxwayne Siilaanyo ku tagayo dalka Jabuuti balse xogo aan helayno ayaa waxay sheegayaan in madaxwaynaha Somaliland uu u tagayo marti qaad uu ka helay dhigiisa Jabuuti iyo  arrimo salka ku haya xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhaxeeya labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti,iyada oo sidoo kalena xoguhu sheegayaan in madaxwaynaha Dalka Jabuuti uu kala hadli doono arrimo la xidhiidha Saldhiga Milateri ee dawladda Imaaraaddka Carabta laga siiyey magaalada Berbera iyo arrimo khuseeya nabadgaliyada labada dal.

Dhinaca kale waxa iyagu shalay safar ku tagey dalka Jabuuti wasiiro ka tirsan xukuumadda madaxwayne Siilaanyo iyo xildhibaano ka kala tirsan labada gole qaran ee Wakiilada iyo Guurtida,waxaana la filayaa in wasiiradaasi ay gogol xaadh usii yihiin safarka madaxwayne Siilaanyo ku tagayo dalka Jabuuti.

Mar aan isku daynay in aan safarkan madaxwayne Siilaanyo ku tago dalka Jabuuti wax ka waydiino afhayeenka madaxtooyada Xuseen Aadan Cige “Dayr ayaanay noo suurto galin cillad dhanka telefoonkiisa gacanta ah awgeed.

Comments

comments