Kadib Dhaawacyadii Wembley, Miyey David Silva Iyo Sergio Aguero Taam Buuxa U Noqon Karaan Kulanka Manchester Derby?

179

Sida ay fahantay shabakadda Goal, labada ciyaariyahan ee ugu muhiimsan Manchester City David Silva iyo Sergio Aguero ayaa laga yaabaa iney kasoo muuqdaan kulanka Manchester Derby.

Labadaan ciyaartoy ayaa dhaawac looga saaray kulankii ay kooxdooda qasaarada kala kulantay Arsenal kulan waqti dheeri ah u baahday oo ka dhacay Wembley kana tirsanaa semi finalka FA Cup-ka.

David Silva waxaa daqiiqadii 22-aad ee ciyaarta lagu badalay Raheem Sterling kadib markii uu qalad adag ku galay Gabriel Paulista oo ka tirsan Arsenal.

Sidoo kalana Sergio Aguero ayaa laga saaray ciyaarta waqtigii dheeriga ahaa markii uu isna qalad ku galay Laurent Koscielny.

Balse  sida laga xan ogaaday ilo ku dhaw kooxda Manchester City, labada xidig waxaa la rajeynayaa iney taam buuxa u noqdaan kulanka Manchester Derby ee ka dhici doona Etihad Stadium.

Si kastaba Fernandinho ayaa dhib kala kulmay kulankii Arsenal, balse macalinka reer Spain wuxuu rajeynayaa inuu shax adag ku wajaho dhigiisa Jose Mourinho.

Comments

comments