War Deg Deg Ah: Xaalada Koonfurta Gobolka Sool Oo Cirka Isku Sharaartay Iyo Ciidamada Qaranka Oo Heegan Culus Galay

Ciidamada Qaranka Somaliland oo Dhaqdhaqaaq Ka Bilaabay Koonfurta Gobolka Sool Iyo Gobolka Buuhoodle..

Waxa Ayaamahan uu Dambeeyay Dhaqdhaqaaq Ciidan Ka Waday Koonfurta Gobolka Sool Ciidanka Qaranka Somaliland oo Halkaas Kala Dhex Galay Maleeshiyo Beeled Dhowaan Halkaas Ku Dagaalamay, waxa Lagu soo waramaya in Nabadgelyada Degaanada Gobolka Sool Beryahan Soo Xumaanaysay, waxaaana hadda Heegan la Geliyay Ciidamada Jiida Hore ee Gobolkaas Ku sugani.

Geesta kale waxa jirta in Maamulka Puntland beryahan dambe dhaqdhaqaaq ka wadeen Gobolkaasi iyago Halkaas siyaasiin uu soo diray magaalada Buuhoodle ay iskugu jiraan Xildhibaano Iyo Wasiiro ka socda Maamulka Puntland, waxaana isla Magaalada Buuhoodle ku sugan wasiirka Caafimaadka Somaliland Md Xaglatoosiye oo Halkaas Gurmadka abaaraha Iyo arrimo Caafimaad ka waday Cusbitaalka Buuhoodle.
waxa iyana dhowaan Ka soo degay madaarka Buuhoodle Wefti Balaadhan iskugu jira ajanabi iyo masuuliyin ka socda Dowlada somalia iyago halkaas ila hadda ogayn ujeedada safarkooda. Xukummda somaliland ayaan ila hadda wax war ah ka soo saarin inay war haysay Diyaaradaas siday wefdiga ajanabiga ah ee ka soo degay halkaasi.

Dhinaca kale waxa weftigaas ka hadlay maamulka puntland gaar ahaan madaxweyne kuxigeenka Maamulka puntland Camay isago sheegay inaanay wefti iyo Diyaarado Ka soo degi karin Buuhoodle iyago Ogolaansho ka haysan Maamulka Puntland,

Comments

comments