Somaliland: “Siyaasadda Madaxweynuhu Nagu Hago Ee Aanu Ku Shaqaynay Ayaa Keentay In Aanu Da’ayarta Somaliland Kor U Soo Qaadnay Fursadahooda Shaqo Iyo Xilalkooda Siyaasiga Ah”..Wasiir Maxamuud Xaashi

0

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo qasriga Madaxtooyada ku soo dhaweeyey aqoonyahan ka socda Ardayda wax ku soo baratay dalka Itoobiya ee aynu jaarka nahay kuwaasi oo fursad u helay inay noqdaan aqoonyahanka dawladdu ku tacabtay ee dalka wax u soo bartay ayaa dardaaran iyo hogotusaalayn ballaadhan siiyey hormadaasi Aqoonyahanka ah ee xukuumaddu tacabka galisay isaga oo sheegay in ay ujeeddo fog ka lahaayeen in ay dhallinyaradan aqoon u diraan si buu yidhi ay dalkooda dadaalada lagu horumarinayo qaybta ugu badan ka qaataan.
Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Kulankan uu ku qaabilay ardayda ayaa ujeedadiisu ahayd sidii dhalinyarada aqoonyahanku qayb uga noqon lahaayeen dib u habaynta iyo horusocodka nidaamka dawladnimo ee la soo dhisayey 26 sano ee la soo dhaafay iyo in dhallinyaradaasi aqoonyahanka ahi dib ugu celiyaan dalkooda hooyo aqoonta ay u soo barteen ee xukuumaddu ku taageertay, qaybta ugu weyna ay iyadu lahayd madaama oo ay dawladu dirtay aqoonyahankan oo ah shaqaalaha dawlada intooda badani. Waxaana ka mid ahaa weedhihii aqoonyahanka ka soo burqanayey dadka waxa aanu u sheegaynaa in aanay xukuumadu dhisin daaro dhaadheer oo keliya ee ay dhistay quluubta dadka oo aanu anagu tusaale u nahay kuwa la dhisay ee tacabka la geliyey.
Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi oo isna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan aad iyo aad u aaminsanahay in aqoonta dhallinyaradani ay tahay wax aad u muhiima, in laga faa’idaystaa ay lagama maarmaan tahay inaad tihiin tacabkii iyo ubaxii qarankani uu waraabiyey ee soo saaray runtii aad iyo aad baan u qiraynaa”. “Waxaan jecelahay anigoo munaasibadan ka faa’idaysana inaan u mahad naqo dawladda itoobiya ee aynu deriska nahay saaxiibada isku sidkan nahay jaarkana aynu nahay, oo deeqdaa waxbarasho gaar ahaan (post graduate) ina siisay maxadkeena shaqaalaha, runtii waxanu qiraynaa inuu ahaa mashruuc aad u qiimo badan, waxa aanan aaminsanahay oo ku bogaadinayaa hay’adda shaqaalaha qaranka iyo machadka shaqaalaha dawladda labadaba siday u maamuleen inay ahayd si aad iyo aad u qiimo badan oo shaqaalaha wasaaraduhu soo diraan aqoon lagu kala xulo ee musuq maasuq reernimo iyo qaraabo kiil lagu xulin ayaan runtii qirayaa. wasaaraduhu sannad walba way galaan tartankaa anigu intii aan ahaa wasiirka duulista muddo shan sanno ah fursad kamaanu helin xaqiiqdii, laakiin waxaan qiraya si wanaagsan in loo maamulay, aqoonta halkan fadhidaana kasoo baxday ka muuqata fagaarayaasha iyo kulanka, waanu u qiraynaa machadka dawladda itoobiya dadka dhalinyarada ah ee aynu soo saarnay” “Burbur ayaa qarankii Somaliya la odhan jiray ku dhacay dib baynu usoo kabanay waxbaynu yab yabanay dad aqoonta waxbarashada ku fiican ayeynu ahaan jirnay, markaa waxa laga yaaba marka aynu dunida tagno magaceena oo dacaayado badan lagu sameeyey oo dunida Miidhiyuhu (Media) gudbiyeen fariimahaa dad argagaxiso ah, dad budhcad badeeda, dad gaajo u dhinta markiiba la yidhaahdo marka qof aqoonle laga arko magaca Soomaliyeedba isku daroo, dal madax banan baynu nahay balse Soomaali baynu nahay, Bulsho Soomaaliyeed baynu nahay dad kaloo badana waa bulsho soomaaliyeed waa qoomiyad Somalinimadu, waana magac aynu wadaagno, markaa marka magacaa la arko in laga boodo amma la qariibsado aqoontaa” “Waxaan xasuustaa 15-wiil oo dhalinyaro ah baa markaan Wasaaradda Duulista Wasiirka ka ahaa aanu u dirnay Itoobiya, oo soo baranayey hagida diyaaradaha iyo waxa la midka ah (Aviation and Air Traffic Control) la isku yidhaahdo, dhalinyaradaas iskuul gaara ayaa loo furay, Machadka Itoobiya ee (Aviation-ku) waa maxad caana oo aad u sareeya oo Africa oo dhan caan ka ah, dawladdo badan baa soo dirta oo lacag ka bixiya dhallinyarada deeq waxbarashaa lanoo siiyey kharashkooda kale annagaa qabnay Wasaarad ahaan, meel baanu ku ururinay, markii horena waxaanu ku xulnay si fiican dhalinyaro wanaagsan oo gobolada dalka oo dhan ka soo xulnay oo isu miisaaman oo Jaamacadahaanu ka qaadanay, dhalinyaro wada jaamiciyiin ahbay wada ahayeen waliba arday (A Student) bay-wada ahaayeen, Imtixaan baanu ka qaadnay hay’adda shaqaalahaa nala qaaday, luuqadooda, aqoontooda, kormeer baan maalin ku tegay waxay aad u majeerteen macalimiintu way ii mahad naqeen waxay yidhaahdeen waligayo nama soo marin (Class) kaas oo kale waxanu wax u tababarnay waddamada Africa saddex dal baanay sheegin , wali nama soo marin (Class) lamida dhawr iyo tobankaa wiil oo ka ugu yari uu ku baasay Imtixaanka 90% qaarba 100% keenay Imtixaanadii oo dhan, runtii waxay muujinaysaa aqoonta dhalinyaradeena”. “Waxaa dhaba Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo gadhwadeenka yahay daaro iyo wadooyin qudha iyo horumar dhaqaale ma keenin ee waxay keentay aqoon, iskuuladii bay kor u qaaday ubaxanaa kasoo baxay runtii waa wax taariikhdu xusi doonto, waxba siyaasadda iyo ragga ku loolamaa gaar ahaan soomaalidu waxba isuma qirto iska daa aqoon aan muuqane idinka beri horaa laydin dafiray laakiin aqalo muuqdaa la dafiray oo aanu dhisnay oo la nashuushadeeya iyo waddooyin aanu dhisnay heerkaasay maraysaa. Rag kamida siyaasiyiinta mucaaradka Somaliland ah oo aanu siyaasadda ku xafiiltano ayaa haday karayaan Sacabka ku qarin lahaa cadceeda, markaa runtii waxaan leenahay annagu waanu ognahay xukuumaddii baanu nahay waxan beertay inuu ubaxani jiro, Faankaba waa lagaga fiican yahay xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye dadku waxaabay yidhaahdaan waxba waydaan sheegan karayn, annagoo afmiishaaro iyo aftahano doonana mooyane”. “Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan Saylici gadhwadeenka ka yihiin da’ayarta Somaliland korbay u soo qaaday fursadahooda shaqo iyo xilalkooda siyaasigaa, 42 xilbuu Madaxweynuhu saxeexay dad dhalinyaro ah Wasiiro ah Wasiiro, Dawlayaal iyo Wasiir ku xigeeno, Gudoomiyayaal hay’addo ah runtii waa tusaale wanaagsan sidoo kale Wasaaradda laftoodana (Transformation) ku waa ka jiraa in dhalinyaradan aqoonta leh ee wax baratay laga hawl geliyo wasaaradaha waabay ka mid yihiine wixii ku jira kor loo soo qaado waan soo dhaweynaynaa in aqoontiina la tijaabiyo way hagagsan tahay fariintaa waan qaadi doonaa golaha wasiiradana waanu ka sheegi doona, xilkuna qof qof buu wasiirada u saamaynaya, Madaxweynahana waanu gaadhsiinaynaa si uu u dhiiri geliyo Madaxweyne ku xigeenkiina waa ina fadhiyaa waxay ila tahay in dhagaxaasi saaka meel dheer ku dhacay” “Isbedel weyn baanu dhallinyarada ku samaynay mudadii aan halkan joogay anigu wasiirka ka ahaa (Reshuffle) baan sameeyey raggii waa weynaa ee aan wasaaradda ugu imi ee agaasime waaxeedyada ka ahaa oo dhan waxaan ku idhi waad soo shaqayseen qarankaad u hiiliseen odayaal baad tihiin aqoon baa idinku duugan, waxaad u baahan tihiin inad nasataan dhalinyaradana meelaha u banaysaan la taliyayaalna aad noqotaan idinkana idin xoori mayno, waxaan magacownay dhallinyaro maamulka madaxtooyada waxa noo haya wiil (Master) ah dhallinyaro ah oo aan soddonka gaadhin” Naasirkaa aad amaanteenbaa ka mid ah oo Agaasimaha Waaxda Xidhiidhka dadweynaha iyo Siyaasada, Naasir kaa ag fadhiya ayaa ka mid ah oo agaasimaha waaxda saxaafadda ah, nimcaan oo aad u jeedaan inuu yahay gashaanle da’a yar ayaa ka mid ah oo weliba ah madaxa hawlgelinta Ciidanka Ilaalada madaxtooyada ah. “Waxaan leeyahay idinkana waxaa idinku waajiba inaad dayntii soo celisaan ee uu dalku idinku lahaa, annagana waxaa nagu waajiba inaan idin maalno laydinka faa’idaysto idinkuna faano labadaa xil baa nala gudboon. Runti ahaantii qarankan ragga hogaaminayaa waa rag iilaa iyo halkaa aad ka waramaysan kasoo bilaabay iyagoo dhallinyaro ah. Hoggaamiyaha wanaagsani waa ka leh hal-abuur waa ka leh hilaadin, hubsiimo, hal adayg, hufnaan, himillo iyo hami fog oo ummadeed, sidaasaa qaranku uu ku meel maraa oo ku dhismaa idinkuna inaad tabtaa iyo tubkaa aad daba socotaan, waa lagama maarmaan”. “Waxaa inoo ballan ah in aynu qarankeena u adeegno si daacad ah, in aynu dedaalka laban laabno, inaynu gacmaha is qabsano, waan soo dhaweynaynaa talooyinkiina iyo tilmaamihiina, waan soo dhaweynaynaa dhaliilaha maamulkeenu leeyahay, ka guban mayno ka xanaaqi mayno, xukuumadani waa xukuumad bisil oo rag waa weyn oo siyaasiyiini hogaamiyaan oo halkaa aad ka waramayseen ka soo bilaabay oo tub dheer hogaaminta qarankan usoo maray oo aan iskaga soo boodin oo aan odhan hadaan kooyaa, waxaa weeye ragganimaday ka mid tahay in waxa kaa xumaada aad toosiso bini aadam baynu nahay waa qaldami karnaa, odhan mayno waxba maanu qaldin, odhan mayno waxba ma qaldi karno, waxaanu leenahay wax faro badan baanu qabanay way jiri karaan dhaliilo iyo godaloolooyin, diyaar waxaanu u nahay kuwaana inaanu toosino, bulshada Somaliland ee caafimaadka qabta haday farta noogu fiiqdo dhalinyarada aqoonyahanadu haday farta noogu fiiqaan, culimada. Diyaar baanu u nahay in naloo nasteexeeyo na-lala taliyo, Waxaan idin ku boorinaynaa in aynu la dagaalano qabyaalada, qaranimada inaynu u hiilino oo dhisno door badan baad qaadan kartaa, waxaynu u baahan nahay waddaniyada inaynu kordhino oo aynu xoog saarno qarankeenu uu dhismaya waddaniyadiisu inay dhisantaa muhiim, inagu waa inaynu is dhaliilaa waa inaynu loolanaa aqalkeena gudihiisa marka aqalkeena aynu kadinka ka baxno saaxiibaynu nahay waa inaynu qaranimadeena ku dagaalanaa nabad gelyadeena adkaynaa wadaniyad wada lahaanaa waa inaynaan faanin kaynu is hayno, waa inaynu qarankeena faafinaa oo weynaynaa aad iyo aad baad u mahadsan tihiin” ayuu yidhi wasiirku.

Comments

comments