Somaliland: Oo Ku Biirtay Dawladaha Mabnuucay Hilibka Digaagga Iyo Khudaarta Laga Soo Waarido Dalalka Brazil & Masar, Markii Fayo-qabkooda Laga Digay

Dawladda Somaliland, ayaa ku dhawaaqaday inay joojisay Guud ahaan Hilibka Digaagga iyo Beedka laga keeno Dalka dibaddiisa, ka dib markii Dalal ka badan 150 ay Mar keliya doraad joojiyeen Hlibka Digaagga ee Dalka Brazil.

Sidaana waxa ku dhawaaqay Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa Shalay.

Wasiiru-Dawluhu wuxuu sheegay in Dawladda Somaliland Dhiiri-gelinayso Wax-soo-saarka Dalka, sidaa darteed la joojiyey Hilibka, Beedka Somaliland uga yimaadda Dalka dibaddiisa, sidoo kalena la joojiyey Khudaarta Somaliland uga timaadda Dalka Masar.

Wasiiru-Dawlaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Annaga oo gudanayna Waajibaadka naga saaran Dalka waxaanu 26-kii bishii koowaad ee Sannadkan inaanu joojinay Beed ka iman jiray Dalka Itoobiya iyo Hilib meel kale ka iman jiray, Annaga oo dhiiri-gelinayna in Muwaadiniinta reer Somaliland keenaan Hilibka Dalka Gudihiisa lagu isticmaalayo, waxaana Hargeysa ka jirta Shirkad ku filan inay Somaliland siiso Hilibka iyo Beedka Digaagga.”

Wasiiru-Dawluhu wuxuu sheegay in aanay ogeyn illaa Wakhtigaa ay joojiyeen hilib Digaag oo Somaliland Dalka dibaddiisa uga yimaadda, “Ma jirto Hilib Digaag iyo Beed aanu ognahay oo Dalka dibadda ka soo galaa, mana Aqbalayno, waanan ku celinayaa ee sidaa aanu hore ugu joojinay ayaanu u joojinay, oo Hilib Digaag iyo Beed midna Dibadda loogama keeni karo Dalka Somaliland.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Liinta ka timaadda Masar, ama Khudaar kale oo la leeyahay Cudur baa laga helay ama ha ahaato mid Caafimaad-qabta ma aqbalayno in Somaliland la keeno.”

Dawlado badan oo ay ka mid yihiin kuwa Yurub, Suudaan iyo Dalal kale oo Khaliijka ku yaalla, ayaa dhawaan ku dhawaaqay inay joojiyeen Khudaarta Dalka Masar oo sida la sheegay Xanuunno laga helay.

Comments

comments

SHARE