Somaliland: Laba maayar Oo Loo Magacaabayo Xil Wasiirnimo Balse Waa Ayo Mayardu?

Warar Ay Soo Xiganayso Shabakadda Wargane Ayaa Waxay Tibaxayen In Maayro Loo Magacaabayo Xilal Wasiirnimo Sidaya Qorayso Shabakadda Ilays

Warar xog ogaal ah oo shabakada Ilaysnews ka soo gaadhaya ilo lagu kalsoonan karo isla markaaana ilaa hada aan xaqiijin ayaa waxaa ay sheegay in maayarka magaalada Berbera Cabdishakuur Cidin iyo Maayarka Magaalada Gabilay Maxamed Amiin la filaayo in ay ka dhex muuqdaan isku shaandheyn madaxweyne Siilanyo dhawaan sameyn doono isla markaana wasiiro loo magacaabo .

Labadan Maayar iyo shan xildhibaan oo ka soo baxay xisbiga UCID ayaa waxaa ay dhawaan sheegen in ay ku biireen xisbiga Kulmiye taas oo sabab u noqotey in dacwad ka dhan ah xilkooda xildhibaan nimo uu xisbiga UCID ku soo oogo .

Maayarka Magaalada Berbera ayaa xogahani sheegen in loo magacaabi doono Kursiga wasiirka Ganacsiga oo ay isku deegan ka soo jeedan , sidoo kale Maayarka magaalada Gabilay ayaa isna xogahani sheegen in loo magacaabi doono kursiga wasiira warshadaha oo ay isku deegan ka soo jeedaan .

Ujeedka talaabadan loo sameynaayo ayaa waxaa ay xogahani xusayaan in ay tahay sidii looga hor dhici lahaa natiijada dacwad ka dhan ah maayaradan oo ka socota gudida diiwangalinta ururada siyaasiga Ah

Dhinca kale xisbiga UCID ayaa sababta uu dacwad uga gudbiyey Maayarada iyo xildhibaanada ayaa waxa ay tahay isaga oo ku doodaya in xeer sharci oo dalkan u yaala uu dhigaayo in xildhibaan kasta oo xisbi ka soo baxa uu xilkiisa xildhibaan nimo waayi doono hadii uu ka baxo xisbigii uu ka soo baxey wakhtigii doorashada

Comments

comments