Somaliland: Guddoomiyaha GUURTIDA Oo Ka Hadlay Sicir-bararka, Colaadda Sool, Layaabna Ka Muujiyey Heerka Qabyaaladdu Ka Marayso Somaliland

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, oo Toddobaadkan Dalka dib ugu soo laabtay, ka dib Safar uu ugu maqnaa Dalka Ingiriiska oo uu deggan yahay, ayaa ka hadlay Xaaladda Dalka.

Guddoomiye Saleebaan oo Saxaafadda kula Hadlay Magaalada Hargeysa Shalay, ayaa ka hadlay Abaarta, Sicir-bararka, Colaadda Koonfurta Gobolka Sool iyo Arrimo kale oo ay qabyaaladdu ka mid tahay.

Guddoomiyaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “ILAAHOOW Abaaraha naga soo jebi, ILAAHOOW aad baanu u jilicsannahay, Abaar Dalka oo dhan wada-gaadha Maanta ka hor maanu arag, wuxuun baa hadhi jiray oo aad ka reebi jirtay.”

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu ka hadlay Colaadda u dhexeysa labada Beelood ee Baharar-same iyo Qayaad ee Dhulbahante, “Qolooyinka is-dilaya wax kale oo aynu odhan karnaa ma jirtee ILAAHAY ha soo hadeeyo, waxaanu leenahay Waaryaadha Colka hala joojiyo, waayo? Ninkii dhintaaba labadiinaba wuu idinka dhintay, oo Qaranka ayuu ka dhintay, Colaad iyo Abaar wax is-galaba maaha, berigii hore Abaarta waynu is-nabi jirnay, oo Barwaaqada ayaynu kibri jirnay oo aynu isku dur-durin jirnay, waa maxay Colaaddan iyo Abaartan aad isla eegateen.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay Sicir-bararka  “Sicir-bararka waxa wada Xoolaha is-taagay. Sicir-bararku waa Dollar, Dollarkuna wuxuu ahaa Xoolahaa yar iyo Waxaa Dadkeenu Dibadda inooga soo diraan Alle ha dhowree.”

Saleebaan Maxamuud Aadan, wuxuu layaab ka muujiyey heerka Qabyaaladdu Dalka marayso, “Bahashan Qabyaaladda ah halla iska daayo, Afkay ku badatay, Wax ka Xishoonayaa ma jiraan. Waar Qabyaaladda aynu iska dayno oo aynu Gacmaha is-qabsanno, Carabka aad ku adkaynaysaa Qabyaaladda iska daaya”

Guddoomiyaha Guurtida oo la waydiiyey waxay ula xisaabtami waayeen Guddida Gurmadka Abaaraha, ayaa ku jawaabay “Waar Annagu Guddidaa la xisaabtami mayno, Nimankii inoogu Gacanta adkaa ee Dambiga iska dhowri jiray baana ugu badan Guddida Abaaraha, oo Culimadii baa ugu badan, aynu Hiifka ka dayno, iyaga waxba ku leexan maayaan, ee wixii gaabis ah aynu nidhaahno Socodka kordhiya.”

Comments

comments