Somalia: Baarlamanka Somaliya Oo La Hor Gayey Heshiiska Saldhigga Berbera Iyo Xukuumadda Somaliland Oo Ka Amustay. Yaab

0
730

Xildhibaanadda Gollaha shacabka ee dowladda Federaalka ayaa go’aamiyay in dib loo dhigo mooshinkii ka dhanka ahaa heshiiskii saldhiga milateri ee berbera, islamarkaana lagu wareejiyo, lagana war-sugo Xukuumadda federaalka.

Xildhibaan Cabdullaahi sheekh Cismaan ayaa kalfadhigii shalay wuxuu codsaday in ajendaha lagu daro si ay xildhibaanadu uga doodaan, hase yeeshee guddoomiyaha barlamaanka Maxamed Cismaan Jawaaro ay soo jeediyay in marka hore xukuumadu ay keento faahfaahin dheeri oo la xiriira Heshiiska, Taasi oo ay ku raaceen Xildhibaanadu

Gabagabadii,  Dowladda Imaraadka Carabta ayaa Heshiis Saldhiga milateri oo muddo ku dhow 30 soconaya waxay la gashay Dawladda Somaliland, heshiiskaasi oo ay dhaliileen xisbiyada mucaraadka Soomaaliland qaarkood iyo xubnaha barlamaanka Federaalka,   waxaan dalkaasi booqday Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, inkastoo aan la ogayn inuu kala hadlay  Masuuliyiinta Imaraadka heshiiskaasi.

Comments

comments