War Deg Deg Ah: Askari Ka Tirsan Ciidamda Jabuuti oo Toogasho Lagu Dilay + Cida Dishay

0
473

Abaaro 1dii duhurnimadii maanta ayaa dablay ku hubaysnayd bastoolado waxay toogtay degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan  askari ka Tirsanaa Ciidamada nabad Ilaalinta Amisom ee ka socda dalka Jabuuti,

Wararku waxay intaa ku darayaan in xiliga Askarigu  la dilay uu ku sii jeeday xero ciidan oo ku taalla dhinaca galbeed ee magaalada Buula-burte, iyadoo kooxdii dilka gaystay ay goobta ka baxsadeen

Ciidamadda Dalka Jabuuti ayaa ee qayta ka ah ciidamada midowga Afrika ee Amisom, waxayna ka howlgalaan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaliya , gaar ahaan magaalooyinka Beledweyne, Buulo-barte  oo ay ku leeyihiin Saldhigyo iyo  degmada jalalaqso oo ay ka howlgalaan.

Ma jirto koox iyo cid sheegatay inay ka dambaysay dilka loo gaystay Askariga jabuutaawi ah, hase yeeshee waxaa gobolkaasi si firfircoon uga howlga Kooxda Al-shabaab, waana markii u horraysya ee dil toos ah loo gaysto ciidamada Jabuuti, marka laga reerbo khasaaraha ciidamada ka soo gaara dagaallada ay la galaan Al-shabaab.

Comments

comments