Somaliland: “Hadii Wareegtadii Madaxweynuhu Socon Wayday Xukuumadda Iyo Guddiga Abaaruhu Ha Is-casilaan” Xildhibaan Faarax

Xildhibaan Faarax Dheere oo ka mid ah golaha wakiilada Somaliland, ayaa guddiga abaaraha iyo xukuumadda Somaliland ujeediyey dhaliilihii ugu cuslaa , isagoo ku eedeeyey inay waxba tari waayeen dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Xildhibaanka ayaa soo jeediyey inay xukuumadda iyo guddiga abaaruhu iscasilaan waxaana, maadaama ay gudan kari waayeen waajibkii ka saarnaa abaaraha iyo sicir bararka isagoo arrinkaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Dawladdu go’aamo ayey ka gaadhay , go’aamadiina may socon , hadii wareegtadii Madaxweynaha Somaliland Socon wayday xilka ha iska dhigaan oo is casilaan in ay is casilaan danabaa ku jirta hadii aney waxba qaban karayn .”

Xildhibaanka oo hadalkisii sii wata ayaa wasiirrada xukuumadda ku eedeeyey inay ku mashquulsanyihiin arrimo qaybaaladeed iyadoo uu dalku xaalad adag ku jiro, waxaana uu yidhi:

“Guddida baaruhu ha is casileen waayo dadkii waxba ma gaadhiin , dadkii Masuuliyinta ahaa ee umaddu dooratay ee Madaxweynuhu magacaabay ee Wasiiradda ahaa baan arkayaa oo qabyaalad ku shaqaynaaya gobol , degmo iyo tuulada war dadka halaga daayo qabyaalada”

Comments

comments