Shaxda Rasmiga Ah Ee Barcelona Vs Juventus, Luis Enrique Oo Shax Cusub Ku Soo Galay Garoonka

0
165

Kooxaha Juventus iyo Barcelona ayaa min 90 daqiiqo oo kaliya u jira in ay u soo baxaan afar dhamaadka Champions Leaque-ga ama ay macasalaameeyaan. Old Lady ayaa Camp Nou iskeentay iyada oo gacanta ku haysata guul 3:0 ah laakiin kooxda Luis Enrique ayaa markeeda doonaysa in ay samayso soo laabashadii labaad oo xidhiidh ah oo layaableh si ay u rumayso riyada ah in ay soo gaadho afar dhamaadka Champions Leaque-ga oo ilaa hadda u muuqata mid ay yar tahay suurtogalnimadeedu.

Luis Enrique ayaa go’aansaday in uu kulankan la soo shirtago shaxdii ay Barcelona waqtiga dheer ku soo ciyaaraysay ee 4-3-3 waxaana sidii caadada u ahayd goolkiisa ku soo bilaabay Ter Stegen halka ay afarta difaaca ah kuwada jiraan Roberto, Pique, Umtiti iyo Jordi Alba, waxaana khadka dhexe wadaagi doona  Busquets, Rakitic iyo Iniesta iyada oo MSN ay sidii la filayay weerarka ku wada jiraan.

Dhinaca Juventus tababare Allegri ayaa isna go’aansaday in aanu waxba ka badalin shaxdii uu Barcelona guusha kaga soo gaadhay waxaana kulankan taam buuxa u noqday Paulo Dybala oo weerarka kula soo bilawday Mandzukic iyo Higuain.

SHAXAHA RASMIGA AH EE LABADA KOOXOOD:

BARCELONA:Ter Stegen, Roberto, Pique, Umtiti, Alba, Busquets, Rakitic, Iniesta, Neymar, Suarez, Messi

KAYDKA: Cillessen, Digne, Mascherano, Andre Gomes, Denis Suarez, Alena

JUVENTUS: Buffon, Alves, Chiellini, Bonucci, Sandro, Khedira, Pjanic, Cuadrado, Dybala, Mandzukic, Higuain

KAYDKA:Neto, Barzagli, Benatia, Lichtsteiner, Rincon, Asamoah, Lemina

Comments

comments