Rajadooda Tartanka, Bandhigii Xalay, Waxa Uu Ka Codsanayo Jamaahiirta Bernabeu & Cristiano Ronaldo Oo Ka Hadlay Kulankii Xalay.

0
164

Shan gool ayaa lagu qoray magaciisa labadii kulan oo uu wajahay kooxda Bayern Munich kulamada Quarter finalka Champions League, Los Blancos ayaana u gudubtay semi finalka tartankaan markii 7-aad oo xiriir ah.

Ronaldo xalay wuxuu Bavarian ka dhaliyay sadexley kulan ay 4-2 ugu awood sheegteen isku cel-celiskana ka  dhigtay 6-3.

Lewandowski ayaa rigoore dhameystiray ka hor inta uusan Ronaldo gool madax ah ku barbareynin, balse ciyaarta waxaa waqti dheer u ogolaaday Sergio Ramos oo gool iska dhaliyay daqiiqado yar kadib goolkii kabtanka Portugal.

“Kaliya waxaan weydiisanayaa Santiago inaan la igu fooryin waligey” Ayuu yiri gooldhaliyaha ebid ugu sareeya kooxda boqortooyada oo la hadlayay Antena 3.

“Waxaan isku dayaa inaan sida iigu fiican siiyo kooxda kulan walba, xitaa hadaanan gool dhalin, waxaan isku dayaa inaan caawiyo kooxda”

“Shaki iigama jiro in Madrid ay xalay fiicneed, ma fududa inaad lix gool ka dhaliso Bayern Munich”

“Waan ogeyn inaan si fiican u ciyaareyno ama ay Bayern na dhaawaceyso, sababtoo ah waa koox goolal ku dhalin kara garoon walba”

“Waxey na tuseen iney yahiin koox weyn, balse inaguba waxaan u ciyaarnay si wanaagsan, fursado badan ayaan helnay qeybtii hore”

“Qeybtii labaad, waxaa naga dhashay laba gool, balse waxaan adeegsanay qibrad, waana ku faraxsanahay guusha”

Ugu dambeyntii Ronaldo wuxuu ka hadlay rajadooda tartanka iyo waxa ay kaga dhigan tahay iney gaareen Semi finalka.

“Wali waan ka fognahay inaan ku guuleysaneno Champions League, balse waxaan isku dayeenaa sida noogu fiican” ayuu yiri CR7.

“Wali waa waqti hore, balse waxaan rajeynaa inaan ku guuleysan karno”

Comments

comments