Ciyaartoyda Bayern Munich Oo Xalay Qolka Labiska Ku Booqday Garsoore Viktor Kassai, Maxey U Sheegeen.

0
65

Ciyaartoyda Bayern Munich ayaa qaadan waayay go’aanadii garsoore ee xalay dilay rajadii ay ka qabeen semi finalka Champions League, waxeyna dhawr ciyaartoy ku booqsdeen qolkiisa labiska ee garoonka Santiago Bernabeu.

Sida warbaahinta Spain gaar ahaan jariiradda Marca ay sheegtay sadex xidig ayaa u tagay garsooraha caanka ah ee reer Hungary Viktor Kassai kuwaas oo u sheegay inuu yahay shaqsiga ilaa iyo waqtigaas maskaxdooda ka dhex guuxaya.

Lewandowski, Alcantara iyo Vidal ayaa qaadan waayay wixii dhacay, weyna ku filnaan weysay doodii ay sameeyeen intii uu garsoorka ku jiray gudaha garoonka.

Tababare Carlo Ancelotti ayaa durba dalbaday in la keeno adeegga VAR ee ka caawiya garsoorka iney dib u saxaan qaladaadka ay ka sameeyaan ciyaarta.

Dhanka kale Zidane ayaa ka hadlay go’aanadii garsoore isagoo sheegay in Ronaldo uu dhex taagnaa offside ka hor inta uuasn kubadda helin.

Comments

comments