Leicester City vs Atletico Madrid – Musjisada Foxes Ee UCL Masii Socon Doontaa Mise Simeone Ayaa Soo Afjari Doona?

Atletico Madrid ayaa marti ku ah caawa garoonka King Power Stadium kaas oo ahaa garoonkii lagu hantay horyaalka Premier League xili ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Diego Simeone wiilashiisa waxey doonayaan iney markii labaad oo xiriir ah gaaraan Semi finalka tartanka Champions League ama ugu yaraan finalka, halka Foxes ay isha ku hayaan iney si mucjiso ah wareegyada xiga ugu gudbaan.

Leicester City waxey wareega 16-ka kusoo reebtay Sevilla oo ay kulankii dambe si fiican uga aar goosatay, balse caawa ayaa laga war dhawri doonaa wixii dhexmara iyaga iyo Atletico.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Leicester City vs Atletico Madrid

Tartanka: Champions League

Garoonka: King Power Stadium

Garsoore: Gianluca Rocchi (Italy)

Saacadda: 9:45 Habeenimo (XGA)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Go’aanka uu ku ciyaarayo Wes Morgan ama uusan ku ciyaareynin waxaa waqtiyada ugu dambeeya qaadan doona Craig Shakespeare.

Morgan ayaa seegay lixdii kulan ee ugu dambeysay kooxdiisa kadib dhaawac dhabarka kasoo gaaray, balse isniintii uu tababartay, sidoo kalana Islam Slimani ayaa shaki la galinayaa madama uu dhaawac gumaarka ah qabo.

Atletico Madrid wax dhibaato ah sooma gaarin ciyaartoyda uu isticmaalayay mudooyinkii ugu dambeeyay Kevin Gameiro ayaa macquul ah iney dib u helaan.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Guushii ay isbuucii hore ku gaartay Calderon, Atletico Madrid waxey usii adkeyneysaa iney sii wadato rikoorkeeda guuldaro la’aanta ee Leicester City, 4-guul iyo 1-barbardhac ayeyna ka heysataa.

Atletico Madrid markii ugu dambeysay oo ay booqato Leicester waxey aheyd 1997 kulan ka tirsan UEFA Cup, markaasna 2-0 ayey ku guuleysteen.

Kaliya kooxda Spanish-ka ah ee aan aheyn Atletico Madrid oo ay la kulantay Leicester waa Sevilla, kuwaas oo ay kusoo reebeen wareega 16-ka.

Atletico rikoor fiican kama heysato England, 2-guul kaliya ayey kusoo qaadatay 10-jeer oo ay booqatay waxaana u dheeri ah 4-guul iyo 4-barbaro.

HABKA AY KOOX WALBA KUSOO BIXI KARTO:

Barbardhac iyo guul ayey Atletico Madrid ugu gudbi kartaa Semi Finalka.

Guul (1-0) ah oo ay gaarto Leicester City 90-ka daqiiqo waxey ciyaarta u baahnaan doontaa waqti dheeri ah ugu dambeyn rigoore.

Hadii Leicester gool laga dhaliyo waxey u baahnaan doonaan farqi 2-gool ah ugu yaraan (3-1), hadii kale Atletico ayaa u gudbi doonta semi finalka iyadoo la eegayo sharciga (Away goal).

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Leicester City: Schmeichel; Simpson, Morgan, Benalouane, Fuchs; Mahrez, Ndidi, Drinkwater, Albrighton; Okazaki; Vardy.

Atletico Madrid: Oblak; Juanfran, Savić, Godín, Filipe Luís; Carrasco, Saúl, Gabi, Koke; Griezmann, Gameiro.

Comments

comments