Gareth Bale Oo Seegaya Kulanka Bayern & Liiska Ciyaartoyda Los Blanos Ee Kulankaas Oo Lasoo Saaray.

0

Tababare Zinedine Zidane ayaa xaqiijiyay in Gareth Bale uusan qeyb ka noqon doonin kulanka ay habeen dambe la ciyaari doonaan Bayern Munich, lugta labaad ee quarter finalka Champions League.

Bale oo laga saaray kulankii lugta hore markii ay jugi kasoo gaartay muruqa kubka ayaa taam buxua u noqon waayay inuu ciyaaro habeen dambe, Zidane ayaana ka saaray liiska 19-ka xidig ee kulankaas uu usoo xushay.

Weeraryahanka reer Wales muddo sadex bilood ayuu dhaawac kaga maqnaa Los Blancos, balse Zidane ayaan go’aansan inuu qatar galiyo walow aan la ogeyn sida uu taam ugu noqon doono kulanka El-Clasico.

“Gareth wuxuu u shaqeeyay si adag si uu dib usoo laabasho u sameeyo, kadib sadexdiisa bilood oo uu dhaawac ku maqnaa, wuu soo laabtay, waxeyna aheyd mid farxad leh inuu mar kale ciyaaro” Ayuu yiri Zidane.

“Balse dhibaato yar ayuu qabaa kaas oo mar kale ku timid, waxaan rajeynayaa ineysan wax weyn aheyn”

“Maalmo ka hor wuu noo soo laabtay, berito [talaadada] diyaar uma ahan inuu ciyaaro. ma dooneyno inaan qatar galino, balse maalmod kadib diyaar ayuu noqon doonaa”

LIISKA REAL MADRID EE KULANKA BAYERN MUNICH:

Goolhayeyaasha: Navas, Casilla and Yáñez.

Daafaca: Carvajal, Ramos, Nacho, Marcelo and Danilo.

Khadka Dhexe: Kroos, James, Casemiro, Kovacic, Modric, Asensio and Isco.

Weerarka: Cristiano Ronaldo, Benzema, Lucas Vázquez and Morata

Comments

comments