Arsenal Mise AC Milan? Aabaha Dhalay Xidiga Kooxda Schalke Ee Sead Kolasinac Oo Cadeeyay Waqtiga ,,,

0
192

Difaaca kooxda Schalke 04 ee Sead Kolasinac ayaa ku dagaalamayaan kooxo badan oo Yurub ahi waxaana markii hore si wayn ugu loolamayay kooxaha Juventus, Manchester City iyo Chelsea laakiin hadda waxay u muuqataa in Arsenal ama AC Milan uu midkood ku biiri doono. Aabaha dhacay difaacan bidix ee Sead Kolasinac ayaa cadeeyay in wiilkiisu uu gaadhi doono go’aan rasmi ah.

Waxaa jiray warar soo baxay oo sheegayay in Arsenal ay heshiis la gaadhay Sead Kolasinac laakiin aabihii ayaa beeniyay warkan  wuxuuna sheegay in wiilkiisu uu todobaadka soo socda wax kasta go’aansan doono. Sead Kolasinac ayaa dhamaadka xili ciyaareedkan si xor ah kaga bixi kara Schalke maadaama oo uu heshiiskiisu dhacaya dhamaadka xili ciyaareedkan 2016/17.

Markii Kolasinac Senior uu TV-ga Bosnia ee N1 Sarajevo uu waydiiyay mustaqbalka wiilkiisa ayuu ku jawaabay: ‘Wax kastaba waxa uu go’aansan doonaa todobaadka soo socda”. Difaaca ree Bosnia iyo kooxda Schalke ee Sead Kolasinac ayay hadda heshiiskiisa uu kooxda ree Germany kula joogo ka hadhsan tahay saddex bilood mana jiro wax heshiis ah oo uu ilaa hadda u saxiixayo.

Sead Kolasinac ayaa ka soo baxay xarunta da’yarta Schalke wuxuuna u soo saftay 117 kulan isaga oo soo dhaliyay 4 gool wuxuuna kulankiisii ugu horeeyay ee kooxda kowaad uu saftay September 2012. Sead Kolasinac ayaa ku dhashay dalka Germany wuxuuna u soo ciyaaray kooxaha xulka qaranka Germany ee ay da’doodu ka hoosayso 18,19 iyo 20 jirada.

Balse kadib  waxa uu doortay in uu matalo xulka qarankiisa Bosnia ee uu asal ahaan ka soo jeedo, wuxuuna kala soo muuqday koobkii aduunka ee 2014 kii isaga oo u saftay 17 kulan. Si kastaba ha ahaatee, Sead Kolasinac ayaa todobaadka soo socda go’aansan doona haddii Arsenal ama AC Milan ku biirayo.

Comments

comments