Madaxweynaha Maamulka Muqdisho oo Kulan La Qaatay Dhaxal-Sugaha Abu-dubai

91

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ku maraya dalka Isu-taga Imaraadka Carabta ayaa kulan la qaatay dhaxal-sugaha mandaqada  Abu-dubai Maxamed Binu-Zayid Al-nahyan

Madaxweynaha ayaa kala hadlay amiirka xoojinta Xiriirka labada dal iyo sidii ay labada dal iskaaga kaashan lahaayeen dhinac amniga,Tababarka Ciidamada,  dhaqaalaha, Mashaariicda imaraadku ka fuliyaan Soomaaliya  iyo taakulaynta dadka Soomaaliyeed ee abaaraha  ku dhufteen.

Madaxweynaha iyo waftiga uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalaya shirka caalamiga ee beesha Caalamka iyo Imaraadka ee lagu taageerayo dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo ka furmaya Caasimadda Imaraadka ee Abu-dubai.

waxaa sidoo kale  Abu-dubai ku sugan wakiilka xoghayaha qaramada midoobay  ee Soomaaliya Micheal Keating oo ka qaybgalaya shirka caalamiga ee lagu taageerayo Soomaaliya.

Imaraadka ayaa dowladda Soomaaliya ka taageera tababarida iyo musharaadka ciidamadda xooga dalka, iyadoo maalintii shalay  magaaladda muqdisho tababar loogu soo xiray  Ciidamo ka mid noqonaya Kumaandooska Soomaaliya, kuwaasoo ay tababareen Imaraadku.

Dhinac kale, Madaxweynaha Soomaaliya iyo weftigiisu waxay shalay booqdeen Qabriga all ha u naxariistee Sheekh Zayid Bin Nahyan oo ah asaasaha dowladda Isu-tagga Imaraadka Carabta oo geeriyooday sanadkii 2005tii.

Comments

comments