Somalia: Burcad-badeed Soomaaliya oo Markab Kale Afduubtay

369

Koox looga shakinsan yahay inay yihiin burcad-badeed Soomaaliya ayaa afduubay markab nooca xamuulka ka qaada oo ku gooshayahay calanka  Jasiiradda  Tuvalu oo ku taala koofurta badweynta Baasifika.

Sarkaal ka tirsan ciidamadda Badda Puntland ayaa u xaqiijiyay wakaaladda wararka ee Reuters  afduubka markabka, iyadoo shirkadda dhinac amniga badaha adduunkuna ay sheegtay in markabkaasi uu gacanta u galay burcad-badeed Soomaaliya.

Markabkan oo lagu magacaabo OS35, ayaa sidoo kale  waxaa websit-kooda kaga hadlay  shirkadda Britian u qaabilsan howlgalada ganacsiga bada ee UKMTO, taasi oo xiriirisa maraakiibta mara gacanta cadan iyo bada cas, waxayna sheegeen inay fariin ka heleen markabka  xili hore oo maalintii sabtidii ahayd oo shaqaalaha ku sheegeen in markabka la soo weeraray, oo dusha loo soo  fuulay.

Gabagabadii, Afduubkan ayaa imaanaya iyadoo maalmo ka hor ay koox burcad-badeed ah ay afduubeen dooni laga leeyahay wadanka Hindiya oo ka timim magaaladda Dubai, waxaa kaloo bishii march la afduubay markab siday shidaal, kaasi oo ay xoog ku soo furteen ciidamada badda Puntland.

Comments

comments