Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Xaaji Xassan ayaa waxa uu ka hadley hadalada sheegaya in xukuumada iyo xisbigeeda Kulmiye ay boobi doonan  codadka doorashada .

Hogaamiyaha oo ka hadlaayey munaasibad jaaliyada dalka Sweden u qabateen  masuulyiinta xisbiga Waddani ayaa waxaa uu sheegay in aanay aheyn rag la boobi karaayo cid ay ka baqanayaana aanay jirin

” Waxaa marar badan laga dhawaajiyey in dawlada iyo xisbigeedu aanay doorashada diyaar u aheyn ama dadka qaar ay carabka ku dhufteen waa la boobi.

Waar cidina ina boobi kari meyso , cidna ka baqan meyno ee ilahay baanu ka baqaneynaa ” ayuu yidhi hogaamiye Xirsi

Comments

comments