Gabadh Xilligii Dhalmada La Waayey Oo La Helay Iyada Oo 18 Jir.

Afduubka gabadh lagu magacaabi jiray Kamiyah Mobley xilligii dhalmada hooyadeed ayaa argagax ku abuuray ciidammada ammaanka gobolka Florida, sannadkii 1988-kii.

Ilmahan la waayey oo muuqaalkiisa iyo abaalmarin 250 kun oo dollar uu heli doono qofkii soo sheega ayaan jawaab laga helin dhowr sannadood, ilaa la gaadhsiiyey in muuqaalka ilmaha lagu ag sawiro muuqaalka ninka adduunka loogu baadi-doonka badan yahay waddamo badan.

Manta, 18 sannadood ka dib waayitaankeeda, gabadhii waa la helay.

“Waa kiis aan hore noo soo marin waddankan muddo dheer,” ayuu yidhi taliyaha booliiska Jacksonville Mike Williams shalay aroornimadii, ka dib markii dhiiga DNA oo laga qaaday gabadh 18 jir ah oo la noolayd afduubahii oo magac kale qortay.

Gloria Williams, oo 51jir ah, ayaa loo xidhay afduubka.

Qoyskii gabadh la xaday oo hore kiis dacwad ku oogay cusbitaalkii ayaa dib ka noqday, ka dib markii ay dib u habayn ku sameeyeen ammaanka carruurta dhallata.

Kamiyah Mobley ayaa kula kulantay hooyadeed, aabaheed iyo ayeydeed barta bulshada ee FaceTime shalay, sida New York Daily News baahisay.

Uma dhaqmin sidii qof nagu cusub, ayey tidhi ayeydeed oo 66 jir ah, “Waxay u dhaqantay, sidii aanu weligayo aqoon isku lahayn.”

Comments

comments

SHARE