Somaliland: Sh. Dirir Oo Sheegay In Qaar Ka Mida Haweenka Madaxda Dalku Soo Abaabuleen Dhaqan Xumadii Wiilashu La Yimaaddeen

528

“Madaxda Waddankeena Qaar Ka Mid Ah Haweenkooda Ayaa Mashruuc Lagu Siiyey Oo Abaabulaya. Saw Maydaan Arkayn Inamadii Yaryaraa..”

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ka mid ah culimada waaweyn ee Somaliland ayaa sheegay in haween madaxda qaranku qabaan qaar ka mid ahi soo abaabuleen shawgii ama ban-dhiggii dhinaca dharka ahaa ee ay wiilal dhallinyaro ahi ku soo ban dhigeen caasimadda Hargeysa arrinkaasi oo uu sheekhu ku tilmaamay wax laga yaqyaqsoodo oo dabada ku haya dhaqanka xun ee Qoomu Luudka isaga oo xusay in uu xagga dambe u joogay mid ka mid ah dadka gaalada ahi taasi oo kobcinaysa sida sheekhu u dhigay macsida iyo dhaqan xumada diinteennu inaga reebtay.
Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo arrinkaasi Fashion Style-ka ahaa ka hadlayay waxa uuu sheegay in bandhiggaasi ay ku xigi doonaan kuwo habloodna sidaa darteed loo baahan yahay in laga waantoobo oo laga dhiidhiyo mar kalena aanay dalkeena ka dhicin arrin noocaasi o kale ahi isaga oo xusay in dhaqankaasi Faransiiska ka soo bilaabmay oo ay ka dambeeyaan kuwa qawmu luudka ah ama ragga loo tagaa.
Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo arrinkaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Waxa aynu maanta maraynaa in lagu xarragoodo, bandhig dhan loo soo dhigo oo loo soo shaqo tago waa wax nasiib darro ah oo aad iyo aad u cajiib ah. Saw maydaan arkayn innamadii yaryaraa oo muruqyo kuuskuusan oo dhar isku soo dhuujiyey oo xubinkoodii taranka halkaa ka muujinaya oo iyana hablo aad u badan oo hablaneenii ah loo soo fadhiisiyey. Madaxda waddankeena qaar ka mid ah haweenkooda ayaa mashruuc lagu siiyey oo abaabulaya. Waa da’yarkii aqoonyahanka ahayd weeyi. Markaa habluhuna laba layn oo aad u dhaadheer ayay u fadhiyaan kamaradona way wada haystaan iyo moobilo ay ku sawirayaan. Kolba inan baa dabada dhaqaajinaya iyo bawdada oo hablaha ayaa berigii hore la marin jiray imikana inankiiba lagu soo daray”.
Sheekh Dirir oo ka hadlaya arrinkani halka uu salka ku hayaa waxa uu yidhi: “Ma taqaanaa sheekada inanku halka ay ka timid? Waa qowmu luudka ayay ka timid. Berigii hore gaaladu waxa ay samayn jireen dharka iyo waxyaabahan dumarka lagu xayaysiiyo dumarka ayaa samayn jiray kadib waxa bilaabmay in ay Faransiiska ka bilaabeen oo ay xanaaqeen kuwii qawmu luudka ahaa. Waxa ay yidhaahdeen annaga laftayada waa nala waxeeyaaye maannu is ban dhigno annaguna markaasaa raggii qawmu luudka ahaana inta ay dhar soo qaateen iyo alaabo ayay iyana is mar marooriyeen oo ay isa soo ban dhigeen. Sheekada halkaasi ka timid baa Hargeysa ka socota ba ka sheekee!!. Oo innamadii la daawadsiinayaa hablihii oo halkaa laga basbaasaynayaa dee inankaa yare e muruqyada kuuskuusan ee sidaa isku maroojinaya marka ay inantii aragto mar dhaw xagga shishe ayay ka bidhaansanaysaa markaasay hadhaw odhanayaan reer hebel inan bay naga garciyeen. Gaalna xagga dambe ayuu fadhiyaa sida sawirka ka muuqata nin gaal ah oo timo cad baa xagga dambe fadhiya. Waa arrin layaab leh!!. Wakhtiga soo socdana waxa la samaynayaa tii hablaha. Marka dhulka laga waayo wax ka hadla iyo wax diida toona dee waa lagugu wadayaa uun illaa aad waalanayso. Isha iyo xubinta tarankana Ilaahay SWT wuu isku xidhay. bal u fiirso aayadda. (Kuwa Mu’mimiinta ah waxaad ku tidhaa indhihiina laaba oo xubintiina ilaaliya) ayaa ilaahay yidhi oo sidaa ayuu isugu lammaaneeyey isha iyo xubinka taranka. Ilaahay waxa uu yidhi Isha ha ilaaliyeen farjigana ha ilaaliyeen. Saraadaha cilmiga ahi waxa ay sheegayaan in qofka marka ishiisu wax aragto ay saamayn weyn ku samaynayso. Marka gabadhu nin eegto ama ninku gabadh eego maskaxda iyo jidhku hormoono ayay soo daynayaan dheecaanadaasi oo ah kuwa jinsiga iyo dareenka jinsiga kiciya marka kuwaasi yimaaddaan waxa qofka ka lumaya xakamaha waxaanay natiijadu noqonaysaa in halkaa kufsi ka dhaco ama sino. Waxa aynu umadda ugu baaqaynaa in ay dadku diintooda u noqdaan oo ay dullinimada noocan oo kale ah iska daayaan”. Ayuu yidhi sheekh Dirir.

Comments

comments