Juan Mata Oo Mudo Dhan Ka Maqnaan Doona Garoomada Balse Dhaawac Inte Lag Ayaa Soo Gaa,,,

151

Man United ayaa dhibaato dhaawac lugaha la gashay waxaana ka maqan tiro ciyaartoy ah oo ay ugu muhiimsan yahiin Cris Smalling, Jones iyo Paul Pogba inakstoo sidoo kale ay ganaaxyo ku weynayaan Herrera iyo Ibrahimovic, balse arinta ugu xun waxey tahay dhaawaca Juan Mata.

Manchester United ayaa barteeda twitter-ka ku shaacisay xalay dhaawaca Juan Mata kaas oo qaliin looga sameeyay gumaarka, waxaana la hadal hayaa inuu garoomada ka maqnaan doono inta ka dhiman xagaagan.

Shabakadda Caalamiga ah ee Goal ayaa fahantay in xidigaan ugu yaraan inta ka harsan xili ciyaareedkaan uusan kasoo muuqan doonin garoomada inkastoo aysan jirin xaqiijin ka timid Manchester United.

Jose Mourinho wuxuu dhexda ka galayaa dhibaatooyin badan, madama uu 7-ciyaartoy weynayo kulanka West Brom ee galabta, balse qof walba oo United ah wuxuu sugayaa warbixinta ay United kasoo saarto dhaawaca Juan Manuel Mata.

Comments

comments