War Deg Deg Ah: Madaxweyne Siilanyo Oo Xilkii Ka Qaadey Mid Ka Mid Ah Taliyayaasha Ciidamada Somaliland + Sababta

913

Wararka hada shabakada Ilaysnews.com ka soo soo gaadhaya Madaxyoooyada ayaa sheegaya in xilkii laga xayuubiyey taliyahii ciidanka ilaalada Madaxtooyada Somaliland Gaashaanle Axmed Daahir iyo weli ba sida oo kale xisaabiye u xigeenkii ciidankaasi Maxamed Cabdi Yoonis ka dib markii khilaaf soo noq-noqday soo kala dhex-galay wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md.Maxamuud Xaashi Cabdi.

Xil ka qaadistan oo ahayd mid aan la shaacinin oo qarsoodi ah, ayaa wararka  ay Ilaysnews.com  ka helayso  Madaxtooyada Somaliland, u sheegeen in xalay fiidkii labadan sarkaal ba laga xayuubiyey xilalkii ciidanimo ee ay ka hayeen Madaxtooyada Somaliland, waxaana taliyahii ciidanka ilaalada Madaxtooyada Somaliland loo soo magacaabay Gaashaanle Cabdirisaaq Af-gaduud, halka aan weli la soo magacaabin xisaabiyahii ciidanka ilaalada Madaxtooyada Somaliland.

Sarkaalkan lagu bedelay taliyihii hore ayaa waxaa uu hada ka tirsan  yahay ciidamada qaranka ee jooga jiida hore waxaana uu ka soo jeeda gobalka Awdal

Comments

comments