Somaliland: “Xisbiga KULMIYE Waa Xisbigayagii Oo Isaga Marnaba Ceeb Ku Sheegi Mayno, Xukuumadana Waxba Ka Sheegi Mayno

326

Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaaan Cabdiqaadir, ayaa shaaciyey inaanay afkiisa ku haboonayn inuu xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu oo uu sheegay inay umadda barwaaqo u horseedeen.

Maxamed oo ka hadlayey madashii xadhigga lagaga jarayey Riig-biyoodka xukuumaddu ka hirgelisay deegaanka Sallaxley, ayaa si weyn u amaanay KULMIYE iyo xukuumaddiisa, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay muhiim yihiin mashaariicda dalka laga hirgeliyey, “Xisbiga KULMIYE waa xisbigayagii oo isaga marnaba ceeb ku sheegi mayno, xukuumadana waxba ka sheegi mayno, mashaariicda la fuliyeyna waa muhiim,” ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa si weyn ula dhacsan dedaalka xukuumadda KULMIYE ee la xidhiidha horumarinta dalka, taas oo sababtay inuu goob fagaare ah ka qiro horumarka dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha la xidhiidha ee laga hirgeliyey deegaanno badan oo dalka kamid ah.

Ma aha markii ugu horraysay ee uu Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ka marag kaco mashaariicda horumarineed ee ay xukuumadda KULMIYE ka hirgelisay waddanka, waxana uu sidan oo kale marar badan madalo loo dhan yahay uga sheegay in dedaalladaasi mudan yihiin in la taageero.

Comments

comments