Somaliland: Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Somaliland Mahamed (Qabyo-tire) Oo Beeniyay Dhaliilo Wiil Siyaasi Ku Sheeg Ahi Usoo Jeediyay.

94

Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Somaliland Mahamed (Qabyo-tire) Oo Beeniyay Dhaliilo Wiil Siyaasi Ku Sheeg Ahi Usoo Jeediyay.
Magaalada Hargeysa waxa Maanta Shir Jaraa’id Ku Qabtay Siyaasi Ku Sheeg Waraabe U Taag Ah Oo Lagu Magacaabo Cabdixakiin Gaaxnuug Cilmi Kaasi Oo Hadalo Loosoo Maldahay Oo Mal,aawala iyo Gaf Kula Kacay Wasiirka Qorsheynta Qaranka iyo Horumarinta Somaliland Maxamed ibraahin adam qabyotire

Ninkan macmalka ah, ayaa masuuliyiin xisbiga Waddani, waxa ay sheegeen in debedda looga saaray xisbigaasi isaga iyo saddex xubnood oo kale anshax xumo iyo akhlaaq xumo darteed, waxaana uu ka midyahay dadka siyaasadda ku jaahwareeray in beenta iyo hadalada dhaqan xumada ah la wareegaya xisbiyada dhexdooda.

Hadaladasi Oo Ahaa Kuwo Loosoo Maldahay Oo Dad Kale usoo Laqimeen isagoo Sheegay in Lacago uu ku laaluushay Wasiirku si uu uga Baxo Xisbiga Waddani islamrkaana uu kusoo Biiro Xisbiga Kulmiye

Wasiirka wasaarada Qorsheynta Qaranka iyo Horumarinta Caalamiga Ee Somaliland Mahamed ibraahin aadan (qabyo tire) Ayaa Shabakada Burcoonline u Cadeeyay in Hadaladan kasoo Yeedhay siyaasagani Ay Yihiin Been abuur Lagu Dhaawacayo Sharaftiisa

isku soo wada duuboo wasiirkan ayaa ka mida wasiirada ugu Dadaalka Badan wasiirada Xukuumada Siilaanyo islamarkaana Ah Jawharad ay Nusqarni Heshay Somaliland

Comments

comments