Haweenay Xabad Beed Ah Oo Ay Karsatay Ka Dhex Heshay Dheeman

0
156

Sally Thompson oo ah haweenay u dhalatay Dalka Britain oo da’deedu tahay 39 jir ayaa heshay dheeman, dheemantan oo ka mid ah Macdanaha aadka loo raadiyo isla markaana qaalliga ah ayaa waxa Sally ka heshay Xabad Beed ah oo ay karsatay oo ay ku quraacanaysay, waxaanay dareentay markii ay xabada Beedka ah afka galisay in ay aad u adag tahay intaasi kadib inta ay soo saartay ayaa waxay eegtay waxa ku jira waxaanay aragtay in dheeman ku jirto, Sally ayaa waxay ku guda jirtaa sidii ay Miisaanka jidhkeeda u dhimmi lahayd waana sababta ku kaliftay inay subax walba Beed ku quraacato.

Sally ayaa sheegtay inay samaysatay Lix Xabo oo Beed ah si ay ugu qureecato oo uu nasiibku siiyay Dheeman yar oo aanay meelna u soo marin, sidoo kale Dail Mail ayaa wareysi la yeelatay mid ka mid ah Ragga dhaqda Diggaaga uu u sheegay in aanu arrintan oo kale waligii arag, balse ay tahay nasiib ay la kulantay haweenaydaasi.

 

Comments

comments