Neymar Oo Diyaar U Ah Inuu Abaalmarinada Ballon d’Or & FIFA The Best Ku Garaaco Lionel Messi & Cristiano Ronaldo.

128

Kaliya maahan in Barceona iyo Real Madrid ay ku dagaalami doonaan La Liga iyo Champions League bilooyinka soo socda, balse sidoo kale ciyaartoyda auu ka dhaxeeyaa baratan dhanka abaalmarinada shaqsiga ah.

Ma jirin tan iyo Ricardo Kaka sanadkii 2007 xidig loo magacaabay abaalmarinada ugu sareeya kubadda cagta oo aan aheyn Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Xitaa iyagoo markaan ku jira garoomada ayey u muuqataa in Neymar Junior iyo Sergio Ramos bandhigga ay ka kala sameynayaan Barcelona iyo Real Madrid ay hoos u ridi karto saameyntii ay lahaayeen xidigaha Messi iyo Ronaldo kuwaas oo ugu yaraan la maleynayo iney seegi karaan sanadkaan.

Neymar Junior wuxuu sameynayaa wax qaas ah xagaagan, wixii uu falay kulankii mucjisada lahaa ee ay sida aan macquulka aheyn ugus oo rogaal celiyeen Paris Saint Germain ayaana ka dhigeysa inuu u ooman yahay inuu si shaqsi ah bandhig u sameeyo waliba Messi iyo Suarez oo ku jira garoonka.

Dhanka kale Ramos waa xiddiga ugu muhiimsan ee Madrid waqtigaan waana kan dhibcaha ugu badan usoo xareeyay La Liga sidoo kalana Napoli ku reebay wareega 16-ka.

 

Markaad fiiriso ciyaartoyda kale ee ay macquulka tahay iney qudhooda sii wadaan hormarka ay sameynayaan si ay ugu yaraan liiska kaga soo muuqdaan waxaa ka mid ah: Robert Lewandowski, Antoine Griezmann, Kylian Mbappe, Paulo Dybala, Pierre-Emerick Aubameyang iyo Gonzalo Higuain.

Comments

comments