Muxuu Cristiano Ronaldo Ka Yiri Dadka Ka Soo Horjeeday In Loogu Magacdarro Garoonka Diyaaradaha Jasiirada Madeira?

426

“Aad ayaan u faraxsanahay, waana la ii sharfay” ayuu yiri Cristiano Ronaldo isagoo ka qeybgalayay xalflad loogu magacdarayay garoonka magaalada uu ka soo jeeda ee Funchal maanta iyadoo garoonka diyaaradaha ee jasiirada Portugal ku taala si rasmi ah loogu magacdaray Cristiano Ronaldo Madeira International Airport.

“Waan ogahay in dadka qaar ay ka soo horjeedaan arintaan, waxaana ku jira dadka qaar oo halkaan jooga maanta, laakiin waxaan nahay xor, waxaan ku nool nahay dimuquraadiyad” ayuu Cristiano ku yiri hadalkiisa ka hor inta uusan hadalkiisa raacinin inuu ka warqabo mas’uuliyada cusub ee uu qaadayo. “Waxaan mar walba isku dayi doonaan inaan ixtiraam u keeno Portugal gaar ahaan Madeira.”

Cristiano oo ay saaxiibtiisa Isbaanishka Georgina Rodriguez ay ku wehlisay xaflada ayaa markaas mikrafoonka ku soo dhaweeyay madaxweynaha Portugal Marcelo Rebelo de Sousa, kaasoo qirtay in go’aanka Cristiano loogu magacdaray garoonka diyaaradaha inay tahay ‘mas’uuliyad weyn laakiin ay dhiirogelineyso kalsooni.”

Rebelo de Sousa ayaa hadalkiisa raaciyay: “Cristiano Ronaldo waxa uu u suuqgeeyaa Madeira iyo Portugal dunida inteeda kale weliba si ka fiican inta uu sameeyo qof kale. Cristiano waxa uu sidoo kale noqon doonaa tusaale, hanad gaaray wax walba kuna gaaray howl adeyg, dadaal, joogteyn, jaceyl iyo inuu ku faano dhulkiisa. Waa doorasho cajiib ah oo qof cajiib ah loo sameeyay, waxaana inaga dhaadhacsan inuusan marnaba dhulka na dhigi doonin.”

Kuwa ka soo horjeeday in garoonka diyaaradaha loogu magacdarro xiddiga Real Madrid ayaa ku doodayay in dhaqan ahaan arimahaan loo sameyn jiray dadka caanka ah ee geeriyooday balse aan loo sameynin qof nool.

Comments

comments