Chelsea Oo Mushaar Waali Ah Ku Qancineysa Eden Hazard Si Uu Real Madrid Isaga Diido.

115

Chelsea ayaa qarka u saaran iney wadahadalo heshiis kordhin ah la furto Eden Hazard xagaagan iyadoo kaga gol leh iney kaga gaashaamato xiisaha Real Madrid.

Wariyaha Sportsmail Sami Mokbel ayaa isbuucaan gudahiisa shaaca ka qaaday in Real Madrid ay aad u dooneyso iney 26-jirka heerka caalami ka mid dhigato saxiixyada Glatic-ada ah ee xagaagan sidoo kalana 100 Malyan bangiga ugu jabineyso.

Balse Chelsea ayaa haatan go’aan adag ka gaareysa sidii ay xidigaan heerka caalami ugu heysan laheyd garoonka Stamford Bridge ka hor xilli ciyaareedka dambe oo ay ka qeyb galayaan Champions League.

Wadahadalada labada dhinac ayaa Eden Hazard ka dhigi kara mid ka mid ah xidigaha ugu mushaarka badan horyaalka Premier League madama si hoose loo ogaaday in loosoo bandhigi doono 300,000 kun oo Pound iyo gunnooyin.

Eden Hazard haatan wuxuu Blues ka qaataa 200,000 kun oo Pound kadib heshiiskii shanta sano ahaa oo uu saxiixay horaantii 2015.

Dhanka kale Roman Abramovich wuxuu doonayaa inuu 200 Malyan oo pound galiyo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda si uu u keeno xidigo waaweyn oo ugu yaraan loogu qanciyo Eden inuu kooxda baaqi kusii ahaado waqti dheer lana rumeyn kara riyadiisa biladaha shaqsiga ah.

Comments

comments