Somaliland: Gudida Doorashooyinka Oo Ku Dhawaaqey Natiijada Cod Bixiyayaasha Iska Diwaan Galiyey Somaliland + Gobolka Ugu Badan

619

Gudida Doorashooyinka Somaliland ayaa waxaa ay saaka ku dhawaaqeen natiijada cod bixiyaasha iska diwaan galiyey guud ahaan gobalada iyo degmooyinka Somaliland.

Komishanka doorashooyinka JSL ayaa ku dhawaaqay Tirada guud ee codbixiyayaasha isdiiwaangaliyay si ay u codeeyaan oo dhan 873,331 (sideed boqol todobaatan iyo saddex kun saddex boqol iyo sodon iyo kaw).

Komishanka ayaa sheegay in dadka codayn doonaa ay noqonayaa tirada qaadata kaadhadhka codbixinta ee oo la bilaabi doono 29/4/2017, iyada oo laga bilaabaayo Gobolada Awdal iyo Saaxil.

Tirada Gobolada waa sidan hoos ku qoran

Gobolka Maroodijeex: 312, 364 Qof
Gobolka Saaxil: 78,842 Qof.
Gobolka Togdheer: 178,506 Qof.
Gobolka Sool: 71,096 Qof.
Gobolka Sanaag: 85,222 Qof.
Gobolka Awdal: 147,031 Qof.

Wadarta guud ee dadka isdiiwaan galiyay guud ahaan Somaliland ayaa ah : 873,331 Qof.

Comments

comments