Somaliland: Ciidamada Booliska Hargeysa Oo Fulinaya Awaamiir Kasoo Baxday Xukuumadda + Qodabada Ay Daaranyihiin

139

Ciidamada nabadgaliyada wadooyinka Somaliland oo kaashanaya ciidamada Booliska Somaliland ayaa saaka gudaha magaalada Hargeysa ka bilaabay hawl gallo ay ku fulinayaan amar kasoo baxay xukuumadda gaar ahaana taliska ciidamada Booliska Somaliland.

Waxaana saaka ciidamadani ay gawaadhida ka jarjarayaan bacaha madow ee lagu xidho muraayadaha gawaadhida loona yaqaano Beersoosha,taas oo taliska ciidanku amar ku bixiyeen in gawaadhida lagu arko bacdaasi laga jarjaro.

Waxaana saaka suuqyada magaalada Hargeysa lagu soo daadiyey ciidamo tiro badan kuwaas oo gawaadhida ka jarjaraya bacaha,sidoo kalena ciidamadu waxay xidhayaan ciddi ka hor timaada in laga jaro bacdaas madow.

Gabagabadiina amarkan ayaa waxa uu dhawaan kasoo baxay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir “Faratoon” iyo  taliska ciidanka Booliska Somaliland kuwaas oo darawaliinta gaadiidka siiyey muddo Afar cisho ah oo ay iyagu gacmahooda kaga jarjaraan bacaha,waxaana uu kusoo beegmayaa xilli mudooyinkii u danbeeyey ay dalka kusoo badanayeen afduubashada iyo xadista caruurta iyo dadka.

Comments

comments