Diego Costa Oo Ka Baxay Tababarka Qaranka, Lopetegui Oo Rajeynaya Inuu Ka Hortago France & Antonio Conte Oo Ka Walaacsan.

113
GIJON, SPAIN - MARCH 24: Diego Costa of Spain looks on prior to the FIFA 2018 World Cup Qualifier between Spain and Israel at Estadio El Molinon on March 24, 2017 in Gijon, Spain. (Photo by Juan Manuel Serrano Arce/Getty Images)

Weeraryahanka Chelsea Diego Costa ayaa la saarayaa raajo kadib markii ay jug kasoo gaartay dhanka canqawga sababtay inuu ka baxo tababarka xulka qaranka Spain.

Xidigii hore Atletico Madrid ayaa booqday xarunta caafimaadka Sanitas Clinic ee ku taala La Moraleja kadib markii uu xanuun ka dareemay lugtiisa sida ay xaqiijiyeen xiririka kubadda cagta Spain ee RFEF.

Julen Lopetegui ayaa rajeynaya in 28-jirkaan heerka caalami uu kusoo laabto tababarka isla markaana uu taam buuxa u noqdo kulanka ay talaadada la ciyaari doonaan France.

Costa ayaa si fiican ula qabsaday dhawaanahaan xulka qaranka Spain isagoo shabaqa gaaray kulankii ay 4-1 ku dubteen xulka qaranka Isreal [Yahuudda] kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka Aduunka wadamada qaaradda yurub.

Dhanka kale Antonio Conte ayaa ka walaacsan xaaladda dhaawaca Diego Costa iyo sida ay Spain u doonayaan inuu u ciyaaro kulanka France.

Blues waxey dooneysaa iney isbuuca soo socda sii wadato qadiyadda ay ku dooneyso ku guuleysiga Premier League, waxeyna wajahi doontaa kooxda Crystal Palace iyadoo xitaa shaki laga galinayo Eden Hazard iyo Thibaut Courtois oo laga saaray qaranka Belgium.

Comments

comments