Somaliland: Dacwad Nooca Ah Ayuu Xisbiga Waddani Ka Gudbiyey Xukuumadda Somaliland? Yaab

457

Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa dacwad ka dhana xukuumadda ugudbiyay maxkamadda sare.

Xughaya guud ee xisbig mucaaridka ah ee WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uurcade ayaa warbaahinta faahfaahinka siiyay nuxurka waraaq ay ugudbiyeen gudoomiyaha maxkamadda sare waxaanu yidhi “Waxaanu u nimid inaanu dacwad ka dhana xukuumadda aanu ugeyno gudoomiayaha maxkamadda sare ee Jamhuuriyada Somaliland mudane Aadan Xaaji Cali Axmed, dhab ahaan markii hore si wanaagsan ayuu ka yeelay qoraalbaanu soo saaray sida shuruucda dalkuba ay dhigayaan, in meel walba xisbigu ku shiri karo, laakiin nasiib-daro rag indhala oo dhagala oo wadanka maanta madax ka ah, ayaa maalinkasta wixii caqligoodu siiyo iyaga oo aan shuruucdii raaceyn soo qoraya, xisbiga WADDANIna cid ka hor istaagi kartaa ma jirto ka hadalka saldhiga milateri ee Berbera, meel walbana waanu ku qabaneynaa meel walbana waanu kaga hadleynaa,”

Xughayuhu isaga oo hadalkiisa sii-wata waxa uu intaas ku-daray “Waa dalkayagi waa wadankayagii, waxaa la bixinayaana waa waxaa caalamku sheegayo, waxaanay u heystaan inay kaligood og yihiin, halkaa waxaa ku qoran waliyul caadkii oo ka hadlaya saldhigu waxaa uu yahay waxaanu ka codsaneynaa xukuumadda maanta talada heysa, ku amar ku taag-leysa dalka inay si cad u sheegto oo ay soo hor dhigto golaha wakiilada, waxaa ay leedahay waxaanu ku soo saxeexnay Dubai, ee madaxweyne ku xigeenku sheegayo, ee wasiirka arrimaha dibaddu sheegaayo, qarankana cida leh laga ma qarin karo ciidooda cida la siinayo, xisbigayaguna marna aqoonsan maayo marna aqbalimaayo, inaanu aqbalo waxaanan ogeyn oo dalka lagu bixinayo”

Comments

comments