Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ee laga soo doorto gobalka Saaxil ayaa waxaa uu sheegay in cadowga koowaad ee ay Somaliland leedahay in uu yahay madaxweynaha cusub ee dalka Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo

Xildhibaanka ayaa waxaa uu xusay in umadii reer Somaliland ee mideysneed la kala qaybiyey oo dagaal hoose ay ku soo qaadey dawlada Somaliya gaar dhinaca is dhexgalka Bulshada

Sidoo xildhibaan Naasir Cali Shire waxaa uu ugu baaqay baarlamaanka Somaliland in ay ka qeyb qaatan sidii ay arintaasi wax uga qaban lahayeen isla markaana ay soo saaran xeer Cusub oo damaanad qaadi doona Somaliland nimada laguna qeexo ciqaabta uu mari doono qof kasta oo reer Somaliland ah oo Somaliya xil ka qabta

Dhinca Kale Xildhibaanka ayaa waxaa uu xukuumadana u soo jeediyey in ay dib uga fikirto wada hadalka ay kula jirto dawalda Moqdisho

Comments

comments